Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa diiday, kuna gacan seyrtay sharcinimada Dacwadii ugu danbeysay ee Madaxweynaha xilka kasii degaya iyo koox ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ku doonayeen inay uga hortagaan guusha Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.
Dacwadan oo uu soo diyaariyey Xeer ilaaliyaha Gobolka Texas Ken Paxton, ayna ku taageereen xeer ilaaliyayaasha 19 Gobol iyo 126 ka mida mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Koongareeska Mareykanka ayaa fashil ku dhammaatay, markii ay diiday Maxkamadda Sare oo caddeysay inuusan jirin wax dan sharciyeed ah oo dacwadaasi ugu jira Gobolka Texas.
Dacwadda Trump iyo kooxdiisa wadeen ayaa Maxkamadda Sare culeys ku saareysay inay sharci darro ka dhigto malaayiin codad oo laga dhiibtay afarta Gobol ee muhiimka ah: Georgia, Pennsylvania, Wisconsin iyo Michigan.
Madaxweyne Trump oo 20-ka bisha Janaayo 2021 ka tegaya Aqalka Cad ayaa rajo ka qabay in Maxkamadda Sare ay taageero ka helaan, waxayna culeys ku saarayeen inay dhinacooda taageerto, taasoo shaqeyn weyday.
