Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa dadweynaha dalkaasi ka codsatay inay raadiyaan dhalashada Bisha Shawaal (Soonfur), dhammaan gobollada dalkaasi.
Maxkamadda ayaa dadka ka dalbatay inay haddii ay arkaan bisha Shawaal ay ku wargeliyaan maxkamadda ugu dhow si markhaatigooda loo diiwaan geliyo, waxaana Maqribnimada maanta oo ku beegan 29-ka Ramadaan la baadi goobayaa bisha Shawaal, iyadoo la filayo inay Berri oo ku beegan tallaado 4-ta June ay noqoto maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.
Sacuudiga iyo inta badan dalalka islaamka ayaa Bisha Ramadaan u bilaabatay iyadoo bishii ka horeysay ee Shacbaan 30 la buuxiyey, waxaana caawa laga warsugayaa go’aanka maxkamadda sare ee Sacuudiga oo dalal badan oo islaam ah iyo muslimiinta ku nool reer galbeedka ay raacsan yihiin.