Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Sharciyada»Maxkamadda Sare maxay u soo faragelisay Kiiska Cali Yare?

    Maxkamadda Sare maxay u soo faragelisay Kiiska Cali Yare?

    July 20, 2015Updated:July 20, 20152 Mins Read Sharciyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraal shalay ksoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa lagu amray in si degdeg ah lagu sii daayo ninka lagu magacaabo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo la sheegay in uu ku xiran Baarista Xisbiga, isla markaana hay’adda nabadsugidda ay sheegtay in loo heyso adeegsiga magacyada mas’uuliyiinta dowladda ee  baraha bulshada ku xiriirto.

    Ilka-xanaf-ahmed

    Warqad  ay ku saxiixnaayeen  Guddoomiye Ilko-xanaf iyo laba Garsoore oo kale ayaa lagu sheegay in xariga Cali Yare  uu yahay mid aan sharci ahayn maadaama dalka aysan dalka ka jirin  jirin xaalad degdeg ah oo uu Baarlamaanku ansixiyay. Wuxuuna qoraalkan ka danbeeyay codsi ay maxkamadda u qoreen qareenada u doodaya Cali yare oo kala ah Tahliil Xaaji Axmed iyo C/kariin Maxamed Axmed. Waxayna warqadu ku socotay xeer ilaalinta iyo nabad sugidda Gobolka Banaadir.

    Waa markii ugu horeysay ee maxkamadda sare soo farageliso shaqsi u xiran dowladda iyadoo la ogyahay in boqolaal Soomaali ah sida Cali Yare oo kale ku jiraan Xabsiyada dowladda siiba kuwa nabad sugidda una baahan cid u dooda oo dacwad xalaal ah ku soo oogta ama xoriyadooda dib ugu celisa.

    Maxkamadda sare waxaa looga fadhiyaa inay tagto Xabsiga baarista xisbiga oo ay soo eegto xaaladda dadka halkaasi ku xiran iyo wax loo heysto intii ay ka jawaabi lahayd oo qura kiis qura oo ka mida boqolaal kiisa oo caadi ka noqday Muqdisho.

    Si kastaba aha ahaate waa tallaabo soo dhoweyn mudan qoraalka kasoo baxay Maxkamadda sare oo caddeynaya sida dadka la isaga xirto Muqdisho inaysan sharci ahayn, waxaase xusid mudan in mas’uuliyadda saaran maxkamadda  ay ka weyn tahay u doodista shaqsi kaliya.

    Waxaa muuqata in Maxkamadda sare ee  dalka ee uu hogaamiyo Ceydiid C/llaahi ay kaliya wax ka tiraahdo kiisaska dadka magaca leh iyo kuwa awooda inay qareeno waaweyn qabsadaan balse ay gabtay dadka faraha badan ee shacabka ah oo tacadiyadu ku socdaan. Waxaase la kala ogaan doonaa in dalku sharci ka jiro oo amarka maxkamadda sare soconayo iyo in kale.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Cali yare Maxkmadda sare
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD: Musuqmaasuqa ka dhex jira Wasaaradda Warfafinta Somaliya (Q.2aad – Akhriso Dokumenti Sir ah)
    Next Article Sidee Madaxweynuhu u guddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada ee Shalay?! (Faaqidaad Sharci ah)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo