Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari Ugandes ah oo ka tirsanm ciidamada AMISOM la xiray.
Askrigan ayaa la sheega inuu dhowaan qof shacab ah oo Soomaaliyeed uu Gaari ku jiiray, sida ay lagu soo eedeeyay iyadoo ay qabteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Maxkamada Ciidanka qalabka sida ayaa xabsiga dhigtay askariga oo lagu magcaabo Barongo John oo ka tirsan Ciidanka Amisom, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu 9 bishan Gaari Jiirsiyay wiil shacab ah oo ku sugnaa isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Askariga ayaa la filayaa in lagu wareejiyo AMISOM si eedaha loogu soo oogay loogu qaado. Wuxuuna hadda u xiran yahay maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Wadani.com