Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto cusub oo uu caawa so saaray ku magacaabay La-taliyaha Sare oo u qaabilsanka Hortagga iyo La-dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah.
Xilkan oo ah mid cusub ayaa loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hore u ahaa Wasiirkii Amniga Xukuumadii hore e RW Rooble Rooble, waana asiirkii fududeeyay in Mahad Salaad loo magacaabo Agaasimaha Hay’adda NISA.
La-taliyaha cusub ayaa ah siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka, wuxuuna sidoo kale yahay ganacsade, isagoo leh Hotelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha u qaabilsan Ka-Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata ayaa ah xilkii ugu danbeeyay ee la-taliyenimo oo Madaxweynuhu magacaabo, iyadoo la-taliyeyaasha madaxweynaha ay gaareen tiradii ugu badneyd abid.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.
