Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»MD. Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay Keli-talis iyo Xaraashka Hantida Guud (Qoraal Culus)

    MD. Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay Keli-talis iyo Xaraashka Hantida Guud (Qoraal Culus)

    February 10, 2024Updated:February 10, 20244 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saddex ka mida Siyaasiyiinta caanka ah ee Beelaha Hawiye, kana mid ahaa musharixiintii waaweynaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku taageeray in dib loo doorto May 2023 ayaa Qoraal culus u diray.

    Qoraalka oo dheeraa waxaa ku saxiixna Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur, waxayna ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu keligii isku koobay taladii dalka, isla markaana uu dhegaha ka xirtay talooyinkoodii.

    Waxay kaloo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaab qarda-jeex ah ku wado dhammeystirka Dastuurka iyo in hoggaankiisa uu xaraashayo Hantidii guud ee dalka, iyadoo ugu danbeyn ugu baaqay inuu talada dhulka dhigo.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Dalka wuxuu wajahayaa khataro waawayn oo u baahan in lagu xalliyo xikmad, talowadaag, tanaasul, dulqaad, midnimo iyo wadajir. Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa habdhaqanka hoggaamin ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisu ay ku wajahayaan halista dalka dul hagoogan oo ay ugu horreeyaan argagixisada Al-shabaab iyo Daacish, damaca gurracan ee ay dawladda Itoobiya ku doonayso in ay qayb baddeenna ka mid ah ku qaadato, khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo Puntland iyo muranka maalmahan ka soo cusboonaaday dhulalka danta guud.

    Tallooyin fool ka fool ah iyo kuwo qoraal ah oo aan Madaxweynaha ka siinnay arrimahan waxay u muuqdaan kuwo ku dhacay dhego furaysan. Waxaan u aragnaa in dalka uu maanta ugu baahi badan yahay midnimo iyo wadajir lagu wajaho halista iyo khataraha nagu xeeran, laakiin taa beddelkeeda uu Madaxwaynuhu dalka ku hoggaaminayaa siyaasad gole ka fuul ah oo kaligii- duulnimo ah, taasoo aan lahayn istiraatiijiyad iyo qorshayaal cad, oo aysan kala saarnayn howlaha mudnaanta hortebinta leh iyo kuwa muhiimka ah ee la dib dhigan karo.

    Maanta Soomaali waxay u baahan tahay ficil kasta oo dadkeeda midaynaya iyo ka fogaanshaha kii kala geynaya. Haddaba waxaan walaac xoog leh ka qabnaa arrimaha soo socda:

    1- In hoggaanka dalka uu ka mashquulay la dagallaankii kooxaha argagixisada, iyagoo dib u qabsaday qaar ka mid ah goobihii dhiigga iyo nafhurka looga xoreeyay. Madaxweynahu wuxuu isku xiray hawlgalka dagaalka iyo shakhsigiisa, taasoo markii uu mashquulay, hoggaanka hay’adaha nabadgelyada iyo difaacuna aysan u gacan bannaanayn ayaa waxay sababtay dayaca ku yimid dagaalka.

    2- Waxaan walaac ka qabnaa in uu gaabis yahay abaabulkii iyo istiraatiijiyaddii siyaasadeed, diblomaasiyadeed, bulsho iyo amni ee lagu wajahayay ka hortaga damaca Itoobiya. Waxaana caddayn u ah in dalku uusan muddo laba bil ah lahayn wasiir amni iyo arrimo dibadeed. Wuxuu Madaxweynuhu baalmarayaa hay’adihii dawladda, kaligii ayaana isku koobay hawshii dalka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo bulshada intaba.

    3- Waxaan walaaac ka qabnaa dhammaystirka Dastuurka oo aan loo dhammayn. Dhamaystirka dastuurka wuxuu ka mid yahay hawlaha muhiimka ah, laakiin aan degdegga ahayn, sababtoo ah waa heshiis bulsho oo la doonayo in uu dalka iyo dadka isku hayo, una horseedo xasillooni siyaasadeed, midnimo iyo wadajir. Ma aha in qaab qardo jeex iyo gacan maroojis ah lagu dhammaystiro. Dastuur ay isku khilaafsan yihiin xoogagga siyaasadda dalka wuxuu ku danbayn doonaa in dhaqan galkiisu socon waayo. Sida haatan lagu wado dhamaystirka dastuurka waxay ka soo horjeeddaa ruuxda dastuurka iyo qodobadiisa qeexaya dhammaystirkiisa, waxay kaloo madaxweynihii oo taladii kale dalka kaligii isku soo koobay ka mashquulisay ajandayaashii hortebinta degdegga ah lahaa ee la dagallaanka argagixisada iyo ka hortagga damaca dawladda Itoobiya, dhismaha ciidan qaran oo ATMIS dalka kala wareega.

    4- Waxaan walaac xooggan ka qabnaa xaraashka dhulka hantida guud ee maalmahan sida xawliga ah uga socda Muqdisho. Waxaan kasoo horjeednaa ku takrifalka hantida qaranka ee sida sharci darrida ah qiimaha jabanna looga iibinayo shakhsiyaad gaar ah.
    Waxaa xaaran ku ah diinta Islaamka, dastuurka iyo shuruucda dalka in madaxda qaranka ay ku takrifalaan hantidii shacabka Soomaaliyeed ka dhexaysay, iyadoo la iibinayo dhulkii danta guud, si degdeg ahna looga tirayo diiwaanka hantida qaranka.

    Waxaan hadaba uga digaynaa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan arrinkaas, waxaanna xusuusinaynaa in arrinkaas la iskula xisaabtami doono mustaqbal dhow iyo kan fog intaba. Waxaan sidaa si la mid ah uga digaynaa ganacsatada iyo shakhsiyaadka ku hawlan iibsiga hantida qaranka in aysan yeelan doonin xuquuqda lahaanshaha dhulka maadaama sida lagu siiyay ay tahay sifo sharci darro ah.

    Waxaan gebagebadii ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu talada dalka dhulka dhigo, dalka iyo dadkana u turo, aqbalana talowadaag iyo tanaasul, si midnimo iyo isku duubni loogu wajaho halista dalka hortaalla. Waxaan uga digaynaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in uu ku sii socdo qaabkan gole ka fuulka iyo kali-duulka ee uu haatan dalka ku hoggaaminayo. Waxaan ugu baaqaynaa inuu mudnaanta siiyo la dagaalka kooxaha argagixisada ah, ka hortagga damaca Itoobiya, joojiyana qaabka qardajeexa ah ee uu doonayo in uu dastuurka ku ansixiyo, iyo ku tagrifalka dhulka hantida danta guuud ee sida sharci darrida ah looga iibanayo shakhsiyaadka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada ay danwadaagta yihiin.

    1. Shiikh Shariif Sheekh Ahmed
    2. Xasan Cali Khayre
    3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

    C/raxman C/shakur Muqdisho sHEKH SHARIIF Somalia Top Xasan Kheyre Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBooliska oo raadinaya Eedeysanayaal Gacan ku siiyay Haweeney inay Disho Ninkeeda
    Next Article Saraakiil Imaaraad ah oo lagu Dilay Saldhig ku yaalla Muqdisho iyo Xog cusub oo la helay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo