Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuuu socdo dagaalka Milateri iyo kan dhaqaale ee Alshabaab, isla markaana ay soo bandhigi doonaan Xisaabad (Akooo) Alshabaab lahaayeen oo la xiray.
Xasan Sheekh oo Boqolaal shacab ah kala qeyb-galay Galabta banaanbixii Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta ee Garoonka Eng. Yariisow ayaa Khudbad uu ka jeediyay uga hadlay dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab & guulaha laga gaaray.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigi doonto Akoono iyo xisaabaad lacagaha loogu kala diri jiray Khawaarijta oo dowladu xirtay, sidoo kalena ay xirtay Telefoonanada gacanta ee EVC loogu diri jiray, isla markaana lala xisaabtami doono shaqsiyaadka iyo Bankiyada ku lugta leh arrintaasi, loo digi doono, tallaabana laga qaadi doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Khawaarijta Alshabaab yihiin Kalluun biyahii ka dhamaadeen oo kale, ayna marayaan heer gabo-gabo ah, isagoo ugu baaqay dadka ku nool gobolka Banaadir inay ka qeyb qaataan dagaalka, soona sheegaan xubnaha Alshabaab oo kasoo saaraan guryahooda.
“Dadka gobalka Banaadir ku nooloow Khawaarijta dharkiina ka hurgufta, kasoo saara guriyihiina, si dhexdiina aysan ugu dhuuman… ” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.
