Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furay shirka Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa kusoo beegmay xilii uu magaalada Muqdisho ka socdo howlgal ay wadaan ciidamada dowladda si ay Hotel u dhow Xarunta Madaxtoyada uga saaraan dabley ka tirsan Alshabaab oo weerar xalay ka gashay Hotelka.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa shirka ka jeediyay khudbad uu ku dhiirrigelinayo in Maalgashi caalami ah ay sameeyaan shirkadaha Caalamiga ah iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Shirka oo ka dhacay Teendhada Afisyoone ee Xalane ayaa waxaa ka qeyb galay safiirada dalalka shisheeye, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Ganacsato iyo marti-sharaf kala duwan, inkastoo ay hareysay xaalada amni ee caasimadda Muqdisho ka taagan.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa khudbad ka jeediyay Shirka kana hadlay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho maalagashato Caalami ah, si sare loogu qaado wax soo saarka dalka.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in Shirkaan uu noqon doono sannadle, si markasta loo soo bandhigo, loona dhiirigeliy omaalgashiga shisheeye.
