Meydka marxuum C/llaahi Warsame ayaa laga soo saaray goob ay ku aaseen ciidamada Kenya, waxaana lagu soo bandhigay bannaanbax ka dhacay Degmada Ceelwaaq.
Magaalada Ceelwaaq waxaa saaka ka dhacay bannaanbax ay isugu soo baxeen dadka degaankaasi oo ka careysan falkii ay ciidamada Kenya ku dileen, kuna qafaasheen dad shacab ah oo ku nool degaanka Yedo oo 25 KM u jira Ceelwaaq.
Talaadadii 22-kii bishan September ayay ciidamada Kenya weerar subaxnimo ah ku qaateen tuulada Yedo, iyagoo wata saddex gaadiidka dagaalka ah, waxayna rasaas ku fureen dadkii degaankaasi ku sugnaa, iyadoo hore u qaatay meydka wiil lagu magacaabo C/llaahi Warsame Abayle oo ay dileen iyo saddex qof oo kale oo ay afduubteen, kuwaasoo uu ku jiro aabihii Warsame Abayle Cilmi.
Meydka wiilka ayaa saaka la keenay Ceelwaaq markii dhalinyaro degaanka ah dabagaleen., kana soo saareen goob xuduudka Kenya gudaha ugu jirta oo ay qaarka hore uga aaseen meydkiisa, waxaana saaka meydkiisa lagu soo bandhigay bannaanbax ka dhacay Ceelwaaq.
Waxaa bannaanbaxa careysan ka hadlay mas’uuliyiin, odayaal dhaqameed iyo qoyska wiilka la dilay, waxayna sheegeen inay Kenya xasuuq ku heyso dadka Gobolka Gedo, waxayna dowladda Federaalka ugu baaqeen inay gurmad u soo diraan si ay isaga celiyaan ciidamada Kenya.
HOOS KA DAAWO