Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in meydadka laba ruux oo rayid ah Saaka laga helay xadka kala qeybiya labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkooda.
Meydadka ayaa u muuqda in iyagoo meyd ah lasoo dhigay goobta, waxaana jirkooda lagu arkay rasaas lala dhacay. Wararka kale ayaa sheegaya in dadka ahaayeen dad Musaafur ah oo ka yimid degaano kale oo kooxo burcad ah ay furreen dilna u geysteen.
Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaan ka hadlin meydadka laga helay degaanka u dhaxeeya ee magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu tilmaamaa magaalada inay ka dhacaan falal noocan oo kale ah.
Wadani.com