Waxaa weli socda dadaallada lagu raadinayo meydadka dadka lagu la’ yahay Qaraxyadii shalay 29 Oktoobar 2022, ka dhacay Isgoyska Soobe ee Alshabaab ku weerarttay xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
Waxaa goor dhow Dadka gurmada wada u suurtagashay inay soo saaraan Meydka qof muddo 24 saac ka badan ku hoos jiray burbrua dhismaha Fatxi, kaasoo la aqoonsaday laguna magacaabi jiray Marxuum Xuseen Cabdulle Faarax Xuseen (Tinle).
Marxuumka ayaa qaraabo la ahaa Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Saynab Xaabsey, waxaana weli jirto rajada ah in burburka Daartaasi laga helo meydad kale.
Waxaa jira dad lagy la’ yahay nolol iyo Geeri oo ku sugnaa goobaha ganacsiga ee ku burburay qaraxyadii Soobe, iyadoo aysan Mudisho ka jirin agabka loo adeegsado inay raadiyaan jirka bani’aadamka iyo dad u tababarran.
