Meydka wiil dhalinyarro ah ayaa saaka laga helay degaanka Waydow ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyado jirkiisa ay rasaas ka muuqatay.
Dilka wiilkan ayaa halkaasi ka dhacay xalay xilli danbe, waxayna dadka degaanka sheegeen inay maqleen rasaas iyo muran, kadibna wiilkan oo dhaawac culus noqday uu muddo taahay, iyadoo aanay cidna usoo gurman, halkaasin uu ku naf baxay.
Ma cadda cidda dilka geysatay iyo sababta loo dilay midna, waxaana da’diisa lagu qiyaasay 20 ilaa 30 sano jir. dadka degaanka oo isugu soo baxay meydka ayaa aqoonsan waayey, waxaana loogu yeeray ciidamada Booliska.
Hay’adaha amniga iyo maamulka degaanka uu falkani ka dhacay ayaan wax war ah kasoo saarin kiiskan oo ka mida dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.