Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa la sheegay inuu saf u galay qaabilaadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xubno ku sugnaa xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaan kasoo xigatay in Micheal Keating uu ku qasbanaaday inuu sugo kana mid noqdo liis dad kala duwan iyo madax Soomaali ah oo la balansanaa qaabilaadda Ra’iisal wasaaraha.
Arrintan ayaa ka danbeysay xurguf soo kala dhex gashay xukuumadda Soomaaliya iyo xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM oo uu hoggaamiyo Micheal Keating, taasoo keentay in Danjiraha Soomaaliya u jooga Q/Midoobay uu Golaha ammaanka u gudbiyo eedeyn ku saabsan in madaxda xafiiska UNSOM ay sawir khaldan ka bixiyaan xaaladda Soomaaliya iyagoo ku xadgudbay howlihii loo xil saaray.
Micheal Keating ayaa xafiiska Ra’iisal wasaaraha u tegay la kulanka Kheyre iyadoo ay muddo ku qaadatay halka markii hore la hormarin jiray ama ay madaxda ugu tegi jirtay xafiiskiisa, wuxuuna markii danbe baraha bulshada soo dhigay sawir isaga iyo Ra’iisal wasaare Kheyre oo uu sheegay inay ka wadahadleen arimaha siyaasad loo dhan yahay, Amniga, dhaqaalaha iyo sii wadida horumarka iyo xasiloonidana ay tahay muhiim.