Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa farxad weyn ka qaaday sidii caaqiibada lahayd ee uu xilka ku wareegay madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal uu bartiisa twitter-kasoo dhigay ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxan yahay inuu ka shaqeeyo dal ay ka jirto in si sharaf leh awoodda la isugu wareejiyo. Wuxuuna intaasi ku daray in Soomaalida ay ku faani karto arrintan.
Dad badan iyo saxaafadda Caalamka ayaa ka hadlay sidii quruxda badneyd ee awoodda la isugu wareejiyay Soomaaliya kadib doorasho aan la fileyn oo uu ku guuleystay Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wargeyska THE STAR ee dalka Kenya ayaa dhowaan qoray in Kenya ay cashar ka baran karto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya iyadoo soo qaadatay sida madaxda Soomaalida xilka isugu wareejin jireen ilaa 1960-kii, halka Kenya aysan dhicin in madaxweyne xil haya laga guuleysto.
https://twitter.com/SRSGKeating/status/832254054327791617
Wadani.com