Wakiilka xoghayaha guud Q/Midoobay ee Soomaalia Micheal Keating ayaa war ka soo saaray weerarrada iyo qaraxyada sii kordhay ee magaalada Moqdisho.
Qoraal uu soo saaray Micheal Keating ayuu si kulul ugu cambaareeyay falalka argagixiso ee sii kordhay oo dhaliyay qasaare dad badan oo shacab ah soo gaaray.
Wuxuu sheegay in 10kii maalmood ee ugu danbeeyay ay dhaceen weerarro faro badan oo Alshabaab ku galaafteen nolosha 28 qof oo shacab ah iyo 31 kale oo dhaawac ah. kuwaasoo lala beegsaday Baarar, suuqyo iyo gaadiid dadweyne oo dhiig badan ku daatay.
“Weerarro lagu qaaday shacabka ma laha cudurdaar. Caruur iyo haween ayaa noloshooda ku weynaya. Waa arxan darro in loo adeegsado arrimo siyaasadeed. waa in si degdeg ah loo joojiyaa….” ayuu yiri Keating.
Wuxuu ku eedeeyay Alshabaab inay beegsadaan meelaha ugu dadka badan si ay qasaare nafeed oo balaaran u dhaliyaan, wuxuuna sheegay in sanadkan 2017 ay Alshabaab dileen qaraxyo k dileen 337 qof , halka ay dhaawaceen 87 kale oo ah qasaarihii ugu badnaa ee shacabka soo gaara.
Qasaaraha qaraxydaa kasoo gaara ayuu Micheal Keating sheegay inuu kordhay 50% ilaa sanadkii 2015. wuxuuna tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dad ku waayay qaraxyadaasi.
Wadani.com