Mid ka mida Diblomaasiyiintii ugu waaweyneyd Soomaaliya ayaa ku geeriyooday 13 Maajo, 2018 ku geeriyooday magaalada New york, isagoo Soomaaliya u soo qabtay xilal waaweyn, marna noqday kaaliyihii hore ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay 1973-1978 iyo ku xigeenkii xoghayaha guud ee Q/Midoobay.
Allaha u naxariistee Cabdiraxiim Caabbi Faarax, wuxuu ahaa diblomaasi Soomaaliyeed oo caan ah, isla markaana darajo sare ka gaaray metelaadda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay iyo dalal dhowr ah, isagoo muddo dheer xilal kala duwan kasoo qabtay ururo caalami ah.
Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ku dhashay 22 october 1919 degaanka barri ee gobolka wales ee UK. Waxbarashadiisii yaraantiisii wuxuu ku qaatay university college Exeter, markii dambena wuxuu ku dhamaystay waxbarashadiisa sare jaamicadda Oxford ee England.
Maamulkii British Somaliland ayuu shaqaale ka soo noqday isagoo ka soo qabtay jagooyin kala duwan. 1951-1960 waxaa jirtay mar uu noqday Cabdiraxiim Caabbi Faarax agaasimaha idaacadda Radio hargeysa xilligii gumeysigii ingiriiska.
Cabdiraxiim Caabbi Faarax xornimadii 1960kii wuxuu noqday safiirkii ugu horeeyay ee somaliya u fadhiista dalka Ethiopia magaalada Addis Ababa 1961-1965.
1965-1972 Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ahaa Wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya , isagoo weliba mudadii u dhaxaysay 1969-1972 ahaa gudoomiyihii gudigii la dagaallaanka midab-kala-sooca ee xornimadii dalka Koonfurta Afrika u halgamaayay.
Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu 1973-1978 wuxuu ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

1979-1990 Cabdiraxiim wuxuu ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waana qofka keliya ee soomali ah ee derejadaa gaaray.
Wixii ka danbeeyay 1980-kii Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu noqday hawlgab, laakiin kuma joogsan sidaasi ee wuxuu 1991 Hargeysa ka asaasay xarunta lugaha iyo gacmaha macmalka ah loogu sameeyo dadka miinada iyo dagaalladu ay naafeeyeen oo haatan bisha Cas gacanta ku hayso.