Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in ka mid ergooyinka Dooorashada ay geeriyootay.
Haweeney ka mida ahayd ergooyinka dooranaya xildhibaanada Aqalka hoose ayaa wararku sheegayaan inuu si lama filaan ah xanuun ugu soo booday xilli loo xareeyay doorashada kursi ka mida Aqalka hoose.
Haweeneydan ayaa la sheegay in xanuunka qabtay dartii loola cararay Isbitaalka magaalada Jowhar oo markii la geeiyay ay ku naf baxday.
Doorashada Aqalka hoose ee magaalada Jowhar ayaa hakad ku jirta, kadib shaqaaqadii Jimcihii kadhacday xarunta doorashada, waxaana la ogyahay inuu hore magaalada ugu geeriyooday ergay ka mida kuwii dooran lahaa kursiga beesha Yaxar.
Wadani.com