Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Jaalle) ayaa maanta xilka kula wareegay munaasabad ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Maareeyihii hore ee xilka banneeyay C/waaxid Sheekh Cumar ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay, isagoo maareeyaha cusub uu ku wareejiyay Documentiyada Hay;adda.
Maareeyaha cusub oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada, ku shaqeyn doono daacadnimo.