Mid ka mida xildhibaanadii hore ee ugu afka dheeraa oo dowladii Xasan Sheekh ayaa guuldarro xanuun leh kala kulmay dadaalkii uu ku doonayay in dib loo soo doorto.
Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe, waxaa kuraasta lagu loolamay ka mida kursiga Beesha Majeerteen/ Biciidyahan, waxaana dadkii isu sharxay ka mid ahaa xildhaabkii hore kursiga u heystay Cabdi Barre Jibriil oo lagu xusuusto mucaaradnimadii xadka dhaaftay ee dowladda waqtigeedu dhammaaday, laakiin waxaa la yaab noqotay markii HAL COD oo qura ka helay wareegii koowaad ee doorashada, halkaasoo ay ka raacday guuldarro wey.
NATIIJADII WAREEGA KOOWAAD”
Siciid Cali Maxamed:- 14 cod
Saleebaan C/lle Salaad:- 2 cod
Amaan Cali Baalle :- 4 cod
Faysal CabdUlle Guuleed:- 22 cod
C/Xakiim Faarax Cali (Caruush):- 8 cod
Cabdi Barre Yuusuf Jibriil: 1 cod
Waxaa wareega labaad ee doorashada ku tartamay: Feysal Cabdille Guuleed iyo Siciid Cali Maxamed. Waxaan ku guuleystay Ganacsade Faysal Cabdille Guuleed oo helay 26 cod, halka Siciid Cali Maxamed uu helay 25 Cod.
Wadani.com