Midowga Afrika ayaa go’aan qoraal ah oo degdeg ah ka qaatay iska hor imaadyada ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in iska hor imaadyadu dhaxeeyeen ciidamo ka wada tirsan Milateriga Soomaaliya.
Midowga Arika ayaa faray ciidamada AMISOM inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha qalalaasha socda oo ka dhashay xisad ka dhalatay xaalada is-mari waagga Doorashada iyo loolanka ka dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaalida.
Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa loo sheegay inay ku shaqeeyaan awoodaha loo siiyey howshooda, ayna kaliya ka jawaabaan si ay u difaacaan hantida iyo nafta ciidamada tirsan AMISOM iyo xarumaha ay ilaaliyaan oo ay ka mid tahay Madaxtoyada Villa Somalia, iyaoo adeegsanaya awoodda ugu yar.

