Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo shirkooda magaalada Muqdisho maanta la soo gabagabeynayo ayaa iska dhex doortay guddoomiye xogheyn iyo Afhayeen.
14 musharax ayaa oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Hoggaanka Midowga Musharrixiinta u doortay Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, waxaa kaloo Xoghaye guud loo loo doortay wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumadii Farmaajo Mudane Xuseen Cabdi Xalene, halka Xoghayaha guud loo doortay Ridwaan Xirsi Maxamed oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaare ku xigeen.
Midowga Musharxiinta Mucaaradka ayaa wada olole ay uga hortegayaan qorshaha uu wato Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee uu ku doonayo inay doorashada maamulaan guddi isaga taabacsan.
