Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Midowga Musharixiinta oo dalbaday in Dib loogu laabto Kuraastii lagu muransanaa (Qoraal culus)

    Midowga Musharixiinta oo dalbaday in Dib loogu laabto Kuraastii lagu muransanaa (Qoraal culus)

    January 4, 2022Updated:January 5, 20224 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha iyo golaha wasiirada waa inay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa

    Midowga Musharixiinta ayaa ka dalbaday Golaha Wadatashiga Qaran in dib loogu laabto dhammaan kuraasta lagu muran yahay ee lagu doortay K/Galbeed iyo galmudug.

    Qoraal culus oo ay u gudbiyeen Golaha Wadatashiga, kadib kuklan ay maanta la yeesheen ayay ku caddeeyeen mowqifkooda sida loo sixi karo khadlaadka hareeyay Doorashad Golaha Shacabka.

    Musharixiinta ayaa soo jeediyey in amniga dalka ay si buuxda mas’uul uga noqdaan Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadda, halka madaxwyenihii hore Farmaajo uu ku ekanayo Musharax.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Golaha Midowga Musharraxiinta

    KU: SHIRKA WADATASHIGA QARAN

    Ujeedo: Soo jeedinta Golaha Midowga Musharraxiinta

    Mudanayaal Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu halkan idinku soo gudbinayaa soo jeedin ku aaddan sixitaanka hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashooyinka. Goluhu wuxuu adkaynayaa in la saxo habraaca doorashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo, dalkana deggenaan iyo xasillooni u horseedda.

    Odayaasha dhaqanka

    1- Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka waa in ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan. Waana in la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban.

    2- In odayga mas’uulka ka ah jufada kursiga leh ee ka tirsanaa 135-tii oday ama kuwii soo xulay baarlamaanka dowlad goboleedyada, hadba kii la isla qaato, oo la tashanaya odayaasha iyo waxgaradka jufada hoose ee kursiga iska leh uu soo gudibyo xubnaha kale ee afarta ah ee ka mid noqonaya guddiga soo xulista ergada, kuwaasoo kala ah laba oday dhaqan iyo laba qof oo kala metelaya dhallinyarada iyo haweenka jufada kursiga iska leh.

    3- Maadaama uu Golaha Shacabka metelo beelaha, waa in odayaasha dhaqanka oo kaashaanaya nabadoonnada iyo caaqillada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbanneeyo xulista ergooyinka, kaalinta dawlad goboleedkana ay ku ekaato fududaynta iyo amniga doorashooyinka.

    Ergada

    1 – Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka heer dawlad goboleed iyo federal ay xaqiijiyaan ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

    2- Waa in ergada la diiwan geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo seddax cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan musharraxiinta kursiga ku tartamaya.

    3- Waa in ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka musharraxiinta kursiga ku tartamaya.

    Musharraxa

    1- Shakhsiga lagama hor istaagi karo inuu kursiga beeshiisa u tartamo, waana in kursi kasta lagu tartamo, lana mamnuuco malxiiska ama in shakhsi loo xiro.

    2- Musharraxa waxaa tartanka doorashada looga joojin karaa oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, ama in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh. 3- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta ergada kursiga.

    Madaxbannaanida Guddiyada

    1- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo heer dowladgoboleed loo madaxbanneeyo hirgelinta doorashooyinka.

    2- Waa in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu hubiyaa madaxbannaanida guddiyada, tillaabna ka qaadaa shakhsi kasta oo guddiyadaas ka mid ah oo lagu helo musuqmaasuq ama ku milmidda siyaasadda.

    3- Waa in goob kasta oo doorasho ay ku sugan yihiin korjoogto iyo saxaafadda madaxa bannaan. Ansax ma noqonayo kursi aysan tartankiisu goobjoog ka ahayn saxaafadda madaxa bannaan iyo korjoogayaal ka kala socda Bulshada Rayadka ah, Xafiiska Ra’iisi Wasaaraha, Musharraxiinta xilka madaxweynaha, iyo hay’adaha caalamiga ah ee doorashooyinka korjoogteeya.

    Qoondada Haweenka

    1 – Waa in la xaqiijiyo qoondada haweenka lana qeexo hab caddaaladaysan oo ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo qoondaynta loogu beegsanayo
    murashaxiin gaar ah.

    2- Waa in oday dhaqameedyada jufooyinka wada leh seddex kursi ay soo asteeyaan kursiga noqonaya qoondada haweenka inta aanan la qaban doorashada kuraasta seddexda ah oo ay jufado leedahay.

    Qodobbo Guud

    1- In dib loogu laabto dhammaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay, la burriyo go’aannadii ay gaareen guddigii xallinta khilaafaadka ee dib u habaynta lagu sameeyey.

    2- Codbixintu waa xaq dastuuri, adduunkana kama dhicin codbixiye qarash ku bixinaya ka qaybgalka doorashada. Haddaba si loo suuliyo caqabadaas waa in meesha laga saaro qarash kasta oo ay ergooyinka bixin lahaayeen sida; qarashka danbi baarista, covid19, iwm.

    3- In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay doorashadu billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso iyo sida ay kuraasta u kala horreeyaan.

    Amniga Dalka iyo Doorashooyinka

    1- In Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa.

    2- Sida uu dhigayo dastuurka kmg ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.

    Doorashada Musharixiinta madaxweynaha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAskari lagu helay Dilka walaallihii Zakariye iyo Sowdo oo Toogasho ah lagu xukumay (Daawo)
    Next Article Q/Midoobay oo shaacisay 2 Qodob oo Beesha Caalamka ka dalbadeen Golaha Wadatashiga Qaran

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo