Midowga Musharixiinta ayaa war kasoo saaray masaafurinta iyo raafka ka dhacay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaasoo lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin xadgudubka lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.
“Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa in fal danbiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaamsado bulsho idil, danbi wadareedna loogu ciqaabo hayb iyo deegaan ay ka soo jeedaan darteed. Goluhu wuxuu u arkaa iyo falkaasi uu meel ka dhac ku yahay Islaamnimada, Soomaalinimada, Dimoqoraadiyadda, Xuquuqul insaanka iyo sharciyada caalaamiga ah” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharixiinta.
Goluhu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu aaminsan yahay in dadka Soomaiyeed ay ka dhaxayso wada noolaasho walaalnimo, iskaashi ehelnimo iyo isku gargaarid ummadnimo.
“Goluhu, isaga oo ka damqanaya ku xadgubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyey ayuu madaxda Somaliland ugu baaqayaa in ay falkaas ka fiirsadaan, degdegna u joojiyaan. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland in ay hor istaagaan falkaa gurracan ee dhaawacaya walaalnimada, ehelnimada iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed”
Ugu danbayn Golaha Midowga Musharixiinta ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiintii iyo shacabka isku xilqaamay in ay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee la soo barakiciyey.
