Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Midowga Musharixiinta oo dalbaday inuu Farmaajo si deg-dega u banneeyo Villa Soomaaliya (Akhriso)

    Midowga Musharixiinta oo dalbaday inuu Farmaajo si deg-dega u banneeyo Villa Soomaaliya (Akhriso)

    December 28, 2021Updated:December 28, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa dalbatay in madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamamadaay ee Maxmed C/llaahi Farmaajo uu degdeg u banneeyo Villa Somaliya, iyagoo ku eedeeyay isku afgembi oo ah khiyaano Qaran.

    Qoraal ay soo saareen Midowga Mushrixiinta ayey ku sheegeen afgambiga uu ku kacay Farmaajo ay u arkaan in lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carqaladayno doorashooyinka.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA


    Council of Presidential candidates Tix: GMM/46/21
    Tr: 28/12/21

    Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa iskudaygii afganbiga ahaa ee uu 27ka December, 2021 ku kacay Madaxweyne hore Maxammad Cabdullaahi Farmaajo.

    Goluhu wuxuu afganbigaas dhicisoobay u arkaa in uu ahaa khiyaano qaran oo lagu duminayo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, laguna carqaladayno doorashooyinka. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isku-dayey in uu awood ciidan ku qabsado hay’ado madani oo dastuuri ah.

    Goluhu wuxuu dalbanayaa in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigaas.

    Goluhu wuxuu dalbanayaa in uu Farmaajo deg-deg u banneeyo Villa Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan, si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda.

    Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Ray’salwasaare Maxamad Xuseen Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid afganbiga una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas.

    Goluhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay deg-deg u saxaan tabashooyinka habraacyada doorshada oo ay doorashada soo dedejiyaan.

    Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay difaacaan dastuurka, iyo dawladnimada, garabna siiyaan Ray’salwasaaraha, kana hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo hay’adaha dastuuriga ee dalka.

    Doorashada Farmaajo Midowga Musharixiinta Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaanno eedeyn u jeediyey Maamulka Lafta-gareen oo Xasaanadii laga qaaday, Dacwadna…
    Next Article Sheekh Shariif oo taladii ugu fiicneyd siiyey Farmaajo. “Ra’iisul Wasaaraha ka daa faragelinta..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo