Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 10
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Midowga Musharixiinta oo Farmajo ku eedeeyay inuu carqaladeynayo Heshiiska Rooble iyo Musharaxiinta

    Midowga Musharixiinta oo Farmajo ku eedeeyay inuu carqaladeynayo Heshiiska Rooble iyo Musharaxiinta

    March 2, 2021Updated:March 2, 20213 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Midowga Musharixiinta Madaxweynayaasha ayaa madaxweynaha xilkiisu dhammmaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu carqaladeynayo heshiiska iyo wadahadalka u socda Ra’iisal wasaare Rooble iyo Musharixiinta.

    Shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd qabteen Musharxiinta ayaa waxa saxaafadda la hadlay Musharax C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyey inay nasiib darro tahay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo heshiiska iyo wadahadalka dhex maray iyaga iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    “Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu si ula kac u xagal daacinayo wadahadalka Ra’iisal wasaaraha iyo Musharixiinta, kadib markii ku dhawaaqay shir uusan shacriyad u lahayn oo dhacaya isla maalinta ay shirka ku ballameen, kaasoo uu ku carqaladeynayo wadahadallada”

    Waxay ugu baaqeen Ra’iisal wasaaraha, madaxweynayaasha maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka inaysan qeyb ka noqon tallaabooyinka uu wado madaxweynaha xilligiisu dhammaaday.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu qayb ka ahaa wadahadal u dhexeeya Raysalwasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xal loogu raadinayey dhacdadii 19 Febraayo iyo is-marin-waaga doorashooyinka heer Federaal. Wadahadalka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

    Wadahadallada oo laga gaaray isfaham horu-dhac ah ayaa dejiyey culeyskii iyo xaaladdii kacsanaanta ahayd ee dalka ka taagnayd, gaar ahaan magaalada Muqdisho, taasoo abuurtay rajo billow ah oo lagu dhammeyn karo is-marin-waaga taagan. Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhinac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 04/03/21 si loo dhammeystiro arrimaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelanaysa mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka, maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahadallada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka.

    Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal- daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.

    Haddaba Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ka digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashaliyo wadahadalladaas, wuxuuna ku baaqayaa in fursad la siiyo.Dhinaca kale, Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay kala soo qayb galaan Muddaharaadka maalinta Sabtiga ah 06/03/21 ka dhacaya Daljirka Dahsoon.

    Wuxuuna Xukuumadda ugu baaqayaa in ay gudato waajibka sugidda amniga shacabka iyo dibadbaxayaasha sida heshiisku ahaa.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa raysalwasaaraha, madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada, iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon tallaabooyinka gurracan ee uu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ku carqaladaynayo xasilloonida dalka iyo xal u helidda geeddi socodka doorashooyinka.

    DHAMAAD

    Doorashada Musharixiinta Musharixiinta madaxweynaha Rooble
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMareykanka oo Baaq degdega soo saaray “Waqtigu waa sii dhammaanayaa, waxaan Madaxda…”
    Next Article DEGDEG: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Geeriyooday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo