Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uu goor dhow shir degdeg uga furmi doono caasimadda.
Shirkan oo qabanqaabadiisa ay ka socoto Hotelka Jazeera ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka, siiba doorashada, kadib go’aanadii kasoo baxay shirkoodii oo xisiad ka abuuray dowladda dalka markii uu jawaab ka bixiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Musharixiinta ayaa la heegay inay shirkooda maanta kasoo sari doonaan go’aano cusub oo ay ku wajahayaan xaaladda dalka, iyadoo xalay uu shir gaara ka dhacay Madaxtooyada, kasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha, Taliyaha NISA, Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxeyne Qoorqoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheeay inuu waanwaan ka dhex wado madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta mucaaradka ee ka horjeeda.
