Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Midowga Musharixiinta oo Beesha Caalamka uga digay inay dalka ku sii hayaan Farmaajo (Daawo)

    Midowga Musharixiinta oo Beesha Caalamka uga digay inay dalka ku sii hayaan Farmaajo (Daawo)

    February 8, 2021Updated:February 8, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa ka hor yimid baaqa maanta kasoo baxay Beesha Calaamka ee ah in shir kale ay isugu yimaadaann Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxweynayaasha maamul Gobleedyada oo dhowaan kusoo kala tegay shirkoodii Dhuusmareb 4.

    Shir jaraa’id oo ay musharixiintu ku qabteen Muqdisho ayey uga hadleen xaalada dalka, iyadoo caddeeyay go’aankooda ah in Maxamed C/llaahi Farmaajo aanay u aqoonsaneyn madaxweyne, muddo xileedkiisii sharciga ahaan uu dhammaaday, isagoo aan dalka doorasho gaarsiin, heshiiskii Doorashana ku fashilmay inuu fuliyo.

    Shirka jaraa’id waxaa ka hadlay Madaxweyniii hore Shariif Sheekh Axmed iyo musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxayna sheegeen inaan Farmaajo laga sugeynin inuu keeno heshiis Doorasho lagu aado ujeedkiisuna yahay inuu iska sii joogo.

    C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu Farmaajo mar kasta damaciisu ahaa inuu muddo kordhin helo, iyadoo saaka oo ugu danbeysay uu Baalramaanka geliyey 100 askari oo dharcad ah si xoog loogu marsiiyo muddo kordhin ay xukuumadu wadatay.

    Wuxuu sheegay in Farmaajo uu Madaxtooyada ku fadhiyo ay tahay inqilaab dadban, mar haddii uu sharci daro ku joogo xilka, wuxuuna caddeeyay in tallaabooyinka ay qaadi doonaan ay maalmaha soo socda shaacin doonaan, iyadoo wixii ka yimaada haddii uu xilka dhigi waayo Farmaajo uu isagu qaadi doono.

    C/raxmaan C/shakuur ayaa Beesha Caalamka u sheegay inaysan waqti ku lumin nin muddo kororsi raadinaya isagoo sharci darro ku fadhiya. “Haddii ay waayo aragnimo Farmaajo ugu dhiman yihiin waa dad habowsan beesha caalamka.. Waa caqabad u baahan in dalkan laga hor wareejiyo.. in Farmaajo nagula dul hayo waxay ka mid tahay xasilooni darrada iyo qaran dumiska dalkan lala damacsan yahay.. Beesha Caalamka waxaan ka rejayneynaa xubnahooda qaar inay ka waantoobaan inay Farmaajo dalka iyoi dadda kusii dul haayaan..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

    HOOS KA DAAWO

    C/raxmaan C/shakuur Doorashada Farmaajo Musharixiinta madaxweynaha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSafiirka Ingiriiska: “Madaxda waa inay mar kale degdeg u kulmaan, lagana digtoonaado tallaabo…”
    Next Article Maxay Beesha Caalamka ku diiday Talo soo jeedintii Midowga Musharixiinta ee dhismaha Gole Qaran oo KMG ah?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo