Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Midowga Musharixiinta oo Qoraalkii ugu Cuslaa u diray Golaha Amniga Q/Midoobay (Faragelin ay dalbadeen)

    Midowga Musharixiinta oo Qoraalkii ugu Cuslaa u diray Golaha Amniga Q/Midoobay (Faragelin ay dalbadeen)

    February 21, 2021Updated:February 21, 20214 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    15 Musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha oo hore usoo noqday Madaxweynayaal, Ra’iisal wasaare, Guddoomiye Baarlamaan iyo Wasiiro ayaa warqad qoraal ah u diray xubnaha Golaha Amniga Q/Midoobay oo Isniinta ka shiraya arrimaha Soomaaliya.

    Qoralka oo ku socday Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay Dame Barbara Woodward oo ah ergeyga Ingiriiska u fadhida Q/Midoobay ayay Midowga Musharixiinta ku dalbadeen in Golaha Ammaanka ay soo farageliyaan xaalada Soomaaliya si loo fududeeyo in si dhaqso leh looga hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, loona hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

    Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xulafadiisa maamulka ay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal ah, haddii Golaha Amnigu uusan fara gelin uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimoqraadi ah.

    Xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya ayey sheegeen inay ka dhalatay Siyaasada Farmaajo uu ku bartilmaameedsanayo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militari.

    Waxay codsadeen in Farmaajo lagu qasbo inuu joojiyo dhammaan faragelinta lagu hayo howlaha doorashada iyo inuu xilka ku wareejiyo gole kumeelgaar ah oo qaran oo ka kooban Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Hoose iyo golaha shacabka.

    Waxay sidoo kale sheegeen in Febaraayo 18-19 ay ciidamada dowladda federaalka oo ka amar qaadanaya Farmaajo ay isku dayeen dilka dhowr murashax madaxweyne iyo hogaamiyaasha mucaaradka, ayna rasaas ku fureen iyaga iyo dibadbaxayaal kale oo si nabad ah isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u dalbadaan doorasho deg deg ah, sidoo kalana ay Hotelka Ma’ida ku weerareen seddex musharax. Ficiladaan gardarrada ah ma ah kaliya sharci darro iyo anshax xumo, laakiin waxay horumariyaan dhaqanka Farmaajo ee caburinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ah inay hadlaan oo ay si xor ah isu soo baxaan, arrintaas oo si aad ah u wiiqaysa rajada laga qabo doorasho xor iyo xalaal ah.

    Waxay sidoo kale caddeeyeen in Farmaajo uu Muqdisho ku aruursaday ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee la filaayay inay la dagaallamaan Al Shabaab, si ay weeraro cusub ugu qaadaan guryaha ay degan yihiin musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo una laayaan musharixiinta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed.

    Midawga Murashixiinta ayaa si xushmad leh uga codsanay golaha Amniga inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu baarayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday. Waxaa kale oo ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.

    Waxay amaaneen go’aanka beesha caalamka ay sanadadaha badan ku waday siyaasadaha sii xoojinaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, inkasta oo ay tilmaameen dhibaatooyinkii dhawaanahaan dhacayay ay wiiqayaan dadaalladaas. Ficillada maamulka waqtigiisu dhmaadaya ayey sheegeen inay kiciyeen khilaafaadka qabiilka, qalqal geliyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dowladeed ee kale ee jilicsan, ayna dhiirri galiyeen kooxaha argagaxisada sida Al Shabaab oo doonaya inay ka faa’iideystaan ​​xasilooni darrada. Waxayan rajeeyeen go’aan degdeg ah oo Golaha Amaanku qaato, uu dhabbaha u xaarayo doorashooyinka dimoqoraadiyadda ee soo socda.

    Qoraalka loo diray Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la ogeysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha, Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arimaha Dibadda iyo Siyaasada Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga, Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC, Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit.

    Q/Midoobay Somalia UNSC
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo oo si hordhac ah u furay Shirkii Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka (War cusub)
    Next Article Siciid Deni oo kashifay Sir badan & Wejigii Qarsoonaa ee Farmaajo: (Akhriso Shan Xaqiiqo & Video)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo