Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Midowga Musharixiinta oo shaaciyey inay Farmaajo iyo Fahad wadaan dhaqdhaqaaq ciidan iyo Shirqoolo

    Midowga Musharixiinta oo shaaciyey inay Farmaajo iyo Fahad wadaan dhaqdhaqaaq ciidan iyo Shirqoolo

    September 26, 2021Updated:September 26, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa dalbaday in la dedejiyo Doorashooyinka, iygoo taageero u muujiyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ku eedeeyeen inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo shirqoolo.

    Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Midowga Musharixiinta

    Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si dhow ula socday xal u helista khilaafka ka dhex aloosmay Raysalwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamad Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.

    Wuxuu Goluhu la socdaa in Raysal wasaare Rooble uu sameeyey tanaasul kasta oo xal loogu helayo khilaafka, balse Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu diiday xallinta khilaafka, taasoo Golaha iyo Shacabka Soomaaliyeedba u caddeysay in uusan weli ka quusan damacii muddo kororsiga, isagoo doonaya in uu awoodda amniga dib u ceshado, si uu u xagal daaciyo caddaalad u helista kiiska Ikraan Tahliil, una carqaladeeyo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

    Haddaba Goluhu

    1- Wuxuu ku dhiirragelinayaa Raysal wasaaraha in uu dardar geliyo hawlaha doorashooyinka, gacanta ku dhigo amniga dalka, marna uusan gorgortan ka gelin heshiiskii 27 Maajo ee loogu igmaday gacan ku haynta amniga iyo daadihinta doorashooyinka dalka. GMM wuxuu diyaar u yahay in uu hawshaas culus ku garabsiiyo.

    2- Wuxuu ku boorrinayaa Golaha Wadatashiga Qaran in la dedejiyo hawlaha doorashooyinka, loona fududeeyo sida ugu sahlan ee ay degdeg ugu qabsoomi karto, lana turxaan bixiyo tabashooyinka laga qabo habraaca, si dalka looga samatabixiyo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo amni. GMM wuxuu diyaar u yahay in uu hawshaas ku gacansiiyo.

    3- Wuxuu ku adkeynayaa in ciidanka qalabka sida in aysan siyaasadda ku milmin, kuna garab istaagaan Golaha Wadatashiga Qaran sidii dalka uga dhici lahayd doorasho, kana hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay doorashada qalqal geliso.

    4- Wuxuu ku ugu baaqayaa beesha caalamka in ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gacan siiyaan deg deg ku qabsoomidda doorashada, tilmaamaanna shakhsiyaadka qaswadayaalka ah ee hortaagan hawlaha doorashooyinka.

    5- Wuxuu indhaha ku hayaa dhaqdhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo taliyihii hore ee NISA, si ay u carqaladeeyaan hawlaha doorashooyinka, una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni. Goluhu marna ma yeeli doono in ay taasi dhacdo, wuxuuna caddaynayaa in Farmaajo uu qaadayo masuuliyadda iyo cawaaqib xumida ka dhalata falkaas gurracan.

    6- Wuxuu dalbanayaa caddaalad u helista Ikraan Tahliil iyo ehelkeeda, wuxuuna ku baaqaya in hay’adaha garsoorka loo daayo kiiska. Wuxuu xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidanka ku boorrinayaa in ay caddeeyaan caqabadda hortaagan caddaaladda.

    Ugu danbayntii Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, iyo beesha caalamka in aan wadajir iskaga kaashano sidii ay dhaqso ugu qabsoomi lahayd doorashada xilligeeda aadka uga daahday, meelna uga soo wada jeesano shakhsiyaadka qaswadayaasha ah ee carqaladaynaya hawlaha doorashooyinka.

    Doorashada Midowga Musharixiinta Musharixiinta Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa ka jira in ciidamo ka Amar qaata kooxda Ahlu Suna ay dhaqdhaqaaq ka wadaan Galmudug?
    Next Article Agaasimihii NISA ee xilka laga qaaday oo lagu wareejiyay xilka cusub ee Farmaajo u magacaabay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo