Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dib u dhaca isdaba-joogga ah, daahfurnaan la’aanta iyo daaha ula kaca ah ee doorashooyinka.
War-saxaafadeed culus oo ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayey ku sheegeen inaysan aqbali doonin Doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo iyo Doorasho la boobo ama lagu shubto.
HOOS KA AKHRISO
Golohu wuxuu dadaal xooggan ku bixiyey in uusan muddo kororsi dalka ka hirgelin, wuxuuna weli u taaganyahay in uu hor istaago muddo kororsi dadban iyo doorasho boob ah, taasoo baalmarsan dastuurka dalka, caddaalada iyo habraacyada doorasho. Xaaladda uu maanta dalkeenna ku suganyahay ma aha mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, sababtoo ah daaha doorashada ama boobka doorasho waxey dalka u horseedaysaa xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye.
Goluhu wuxuu ku boorinaayaa RaysalWasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu dalka ku hoggaamiyo sida dastuurka waafaqsan oo ay dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, waqtigooduna cayimanyahay.
RW waa inuu tixgeliyaa kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda Siyaasadeed siiyeen, masuuliyadiisana uu si dhab ah uga soo dhalaalo. Ma aha in shacabka Soomaaliyeed lagu khasbo kala xulashada doorasho raagta oo laga rajo dhigo ama mid la boobo. Shacabka Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay in uu helo doorasho jadwalkeedu cadyahay si daahfuranna ku dhacda. Haddaba Golaha wuxuu dalbanayaa;
1- In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.
2- In ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.
3- Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban.
4- Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada.
5- In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.
6- Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin.
