Golaha Midowga Musharixiinta ee xilka Madaxweynaha ayaa ka digay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaanayo ay xilligan doonayaan inay xaraashaan xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya.
Afhayeenka Golaha Musharixiinta Ridwaan Xersi ayaa saxaafadda u sheegay in wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo xubnaha Guddiga Batroolka ee la magacaabay xilligii xukuumadda xi-heynta ay maanta dalka ka dhoofeen iyagoo ku howlan xarashka xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in madaxda dowladda ay xilligan doonayaan inay xaraashkaasi fuliyaan si ay hantida ka timaado doorasho ugu galaan, isagoo caddeeyay inay go’aan kasoo saari doonaan Musharixiinta.
Wuxuu kaloo afhayeenku ka hadlay xaaladaha Amniga ee dalka, bixitaanka ciidamada Mareykanka, xaaladda ka taagan Gobolka Hiiraan iyo in dowladda ay sii wado xaalad abuur ay ku dooneyso inay kusii socoto boobka Doorahsada.
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dhinaca kale shaaciyey inay magacaabeen Guddiga Badbadinta Doorashooyinka Qaranka oo ay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan sidii loo qaban lahaa doorsho xor iyo xalaal ah.

