Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Midowga oo Go’aan Adag ka qaatay Doorashada s iyo RW Rooble (Akhriso War Culus)

    Midowga oo Go’aan Adag ka qaatay Doorashada s iyo RW Rooble (Akhriso War Culus)

    November 30, 2021Updated:December 1, 20213 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    “Ma aqbalayno, qaybna ka noqon meyno boobka Doorashada socota oo laguna burburinayo Nabadda iyo dawladnimada.

    Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa War culus kasoo saaray shir uga socday magaalada Muqdisho intii u dhexaysay 25 -30/11/2021, laasoo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinkii la filayey in ay dalka ka qabsoomaan.

    Golaha Musharxiinta ayaa sheegay inay caddaatay arrimaha soo socda:

    1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

    2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.

    3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.

    4- In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kursiga xildhibaanno kuraasta hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaq u lahaa, halka la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.

    5- In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhexdhexaadnimadii guddiyada doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaadanaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, halka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.

    6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin

    7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku.

    Waxay intaas ku dareen mar haddii ay meesha ka baxeen dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, waxay doorashadii la sugayey isku bedeshay boob qaawan oo dalka u horseedi kara khilaaf siyaasadeed, xasillooni darri, iyo burbur ku yimaada dawladnimada.

    Goluhu Midowga Musharixiinta waxya sheegeen inay Raysal wasaare Maxamad Xuseen Rooble ka dalbadeen in la hakiyo doorashooyinka, shirna isugu yeero madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayadka ah iyo beesha caalmaka, si wax looga qabto boobka doorashooyinka socda, loona saxo khaldka. Laakiin ay wax laga xumaado tahay in taas bedelkeeda uu Rooble dhiirrageliyey sii socoshada doorashada uu boobkeedu u muuqdo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba, isagoo ammaan u soo jeediyey madaxdii boobka loo haystay, kana dalbaday kuwa aan weli billaabin in ay degdeg u billaabaan.

    Intaas kadib Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalaamkaba u caddaynayaa inuu qaatay Go’aannada soo socda:-

    1- In waxa socdaa aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darri iyo nabadgelyo la’aan.

    2- In Goluhu uusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dawladnimada.

    3- In aan la fiirsan karin sida ay wax u socdaaan, sidaas darteedna Goluhu wuxuu watadashi la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo xal qaran oo dalka looga samatabixiyo halista ku soo fool leh xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda.

    4- In madaxda dawladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay qaadayaan mas’uuliyada natiijada ka dhalata boobka doorashada.
    5- In ay shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeestaan ajandaha gurracan ee lagu hagardaamaynayo dawladnimada, xasilloonida siyaasadeed iyo wadajirka ummadnimo, garabna nagu siiyaan samatabixinta dalka.

    6- In beesha caalamka aysan indhaha ka laaban boobka doorashooyinka, fartana ku fiiqaan hufnaan la’aanta doorshada, aysanna sugin cawaaqib xumida ka dhalan karta boobka socda.

    Doorashada Musharixiinta madaxweynaha Rooble Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBoqor Buur-Madow oo Raaligelin iyo Caddeyn ka bixiyey Kaftankii Muranka dhaliyey
    Next Article Akhriso: Liiska 16 Kursi ka mida Golaha Shacbaka oo lagu dooranayo Muqdisho iyo xildhibaannada..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhalashada Bisha Dulxaj ee Carafo iyo maalmaha Ciidul Adxaa

    May 27, 2025

    Xasan Kheyre oo soo saaray dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh

    May 27, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo