Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka oo kala saxiixday Heshiis 2 Sano iyo Mashaariic

    Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka oo kala saxiixday Heshiis 2 Sano iyo Mashaariic

    May 2, 2023Updated:May 2, 20233 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis wada-shaqeyn oo muddo 2 sano soconaya, kaasoo Midowga Yurub mashaariic kala duwan ka taageerayo Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay ahmiyadda iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. “Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub. Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

    Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub Mr. Josep Borrell Fontelles ayaa soo dhoweeyay saxiixa Heshiiska Wadashaqaynta ee dhex maray Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

    “Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Borell.

    DHINACYADA LAGA TAAGEERAYO SOOMAALIYA

    Heshiiska maanta la daahfuray ayaa qeexaya Saddex dhinac oo Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan Labada sano ee soo socota. Waxayna kala yihiin;

    1. Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah:

    a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed

    b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka

    c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka

    d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka

    e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024

    f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.

    2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka, sida:

    a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah.

    b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

    c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.

    d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

    3. Horumarinta Dhaqaalaha Bulshada

    a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey

    b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda

    c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed

    d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka

    e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub

    f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda.

    EU Muqdisho Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir ka tirsan Dowladda Uganda oo Toogasho lagu dilay iyo Sabab la yaab leh
    Next Article Xukuumadda Somaliya oo ku dhawaaqday Qiimaha Xajka iyo Hal Shirkad oo ku guuleysatay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo