Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Midowga Yurub oo diiday Dalab ku saabsan QUDUS OO uga yimid Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda

    Midowga Yurub oo diiday Dalab ku saabsan QUDUS OO uga yimid Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda

    December 11, 20173 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Midowga Yurub ayaa diiday dalab uga yimid Ra’iisal wasaaraha Isra’el Benyamin Netanyahu oo ahaa inay magaalada Qudus u aqoonsadaan caasimadda Israel, kuna daydaan Madaxweynaha Mareykanka.

    Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in “ururka u dhan yahay” in la taageero in Qudus ay caasimad u noqoto dowlad mustaqbalka ay Falastiin yeelato iyo Israa’iil. Federica Mogherini ayaa sheegtay in xubnaha midowga aysan Qudus u aqoonsan doonin in ay tahay caasimadda Israa’iil, illaa heshiis nabadeed oo dhammeystiran laga gaarayo.

    Waxay hadalkaasi jeedisay ka dib markii ay la kulantay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.

    tallaabadii madaxweyne Trump waxaa ka dhashay caro iyo dhalleeceyn caalami ah. Dalalka Islaamka ayaa si adag u dhalleeceeyay tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka.

    Ms Mogherini, oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo si wada jir ah Brussels ugu wada qateen ayada iyo Netanyahu, ayaa tilmaamtay in midowga Yurub uu sii wadayo in uu aqoonsado “go’aanka caalamiga ah” ee Qudus ku saabsan.

    “Waa in aan dhahaa in Ra’iisul wasaare Netanyahu uu ka arkay wasiirada in Midowga Yurub u dhan yahay arrintan. Xalka keliya ee suuragalka ah ee dagaalka loo helo, waa midka dhexmaraya Israa’iil iyo Falastiin, kuna saleysan laba dal oo caasimad ay u tahay Qudus.”

    “EU iyo dalalka xubnaha ka ah waxay xushmeynayaan go’aanka caalamiga ah ee Qudus illaa xal laga gaarayo khilaafka goobaha barakeysan, oo loo marro wadahadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac”.

    Laakiin Netanyahu ayaa tilmaamay in go’aanka Mareykanka uu yahay mid lagu garwaaqsaday “xaqiiqada”. Wuxuu hadda ku sugan yahay Brussels oo wada xaajood kula leeyahay wasiirada arrimaha dibadda ee EU. Waa markii ugu horeysay oo ra’iisul wasaare Israa’iili ah booqdo Brussels muddo 20 sanno ah.

    Dibadbaxyo ka dhan ah go’aanka Trump ee Qudus ayaa weli ka socda gobolka. Goobaha ugu dambeeyay waxaa ka mid ah Daxaya oo ah deegaan uu ururka Xisbullah ku xoog badan yahay ee Bayruut.

    Isagoo ka hadlayay meel aan la shaacin, hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa sheegay: “In Trump uu moodayay in caasimadaha caalamka iyo dalalka Carabta ay ku taageeri doonaan go’aankiisa”.

    “Hadda wuxuu u muuqdaa in la cidleeyay, Israa’iil oo keli ah ayaa taageertay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

    Boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku nool Daanta Galbeed ayaa weli sii wada in ay dhagxaan ku tuuraan ciidamada Israa’iil; Sidoo kale shacabka Tehraan iyo Bayruut ayaa loogu baaqay in ay isu soo baxaan.

    Xilligii Trump uu ku dhawaaqayay go’aankiisa ku aadan Qudus, wuxuu sidoo kale amray in safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loo raro Qudus.

    EU Israel Netanyahu Qudus
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Doorashooyinka Qaranka oo Daah-furay Qaamuuska Eray bixinta Doorashooyinka [Sawirro]
    Next Article DEGDEG: Ciyaaryahanka reer Masar ee Mohamed Salah oo ku guuleystay Laacibka BBC ee 2017

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo