Midowga Yurub aya mashaariic dhinac tabarrada Farsamada gacanta iyo hirgalinta Tacliinta Sare ka hirgelinaya maamulka Jubbalanad iyo maamulada kale.
Mashaariicda waxa hirgelineysa wasaarada waxbarashada Soomaaliya, iyadoo ay maalgalineyso Midowga Yurub, waxaana mashruuca oo la sheegay inuu yahay mid Qaran shalay looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.
Wasiirada waxbarashada dowlad Goboleedyada Dalka ka jira xubno sare oo socda wasaarada waxbarshada Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub Veronique Lorenzo iyo hay’adaha dhinacyada Farsamada iyo Tacliinta ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa ka qayb galay Mashruucan Qaran oo ah kii ugu horeeyay oo Soomaaliya laga hirgaliyo burburkii kadib.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shirkan ka sheegay in Soomaaliya waxa ay hormarka ku gaartay wakhtigii Dowladii dhexe ay ahayd farsamada gacanta oo aad u saraysay isla markana lagu jiheeyay wax soo saarka iyo hananka nolosha dadka.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in dhaqaalaha hawshan ku baxaya oo ku kacaya oo dhan 3.8 milyan oo Dollar aan la lunsan oo ay caddaato waxa lagu qabtay iyo halka ay martay si uusan shaki uga imaan sida wax loo qabtay.
SAWIRRO
Wadani.com