Ciidamada Nabadsugidda magaalada Muqdisho ayaa ayaa nolosha ku qabtay mid kamid ah Dablydii weerarka ku qaaday Baarka Banaadir Beach, ee Degmada Cabdicasiis, Magaalada Muqdisho.
Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu ahaa is-miidaamiyihii kaxeynayay gaariga isku qarxiyay albaabka baarka oo si la yaab leh ku badbaaday, waxaana laga dhex helay gaariga is qaxiyay.
Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir C/xakiin Fareey ayaa Sheegay in ciidamadu qabteen is-miidaamiyihii darawalka ka ahaa gaariga Qaraxyada laga soo buuxiyay ee lagu weeraray Maqaayadda Banaadir Beach, kaas oo laga helay isagoo dhaawac ah burburka Gaariga uu ku qarxiyay Albaabka hore ee Baarka.
Dhaawaca is-miidaamiyahan ayaa la geeyay isbitaal lagu ilaalinayo iminka, waxaana la weydiiyay su’aalo hordhac ah, iyadoo dhaawaciisu culus yahay.
Waa markii ugu horeysay nin Is-miidaamiye ka badbaado gaari loogu talogalay inuu isku qarxiyo, waxaana sida uu ku badbaaday ay tahay weli arrin la yaab leh oo ciidamada ammaanka ay rumeysan waayeen, waxaana xilli danbe la ogaaday inay naf ku jirto oo uu dhaawac yahay is-miidaamiyaha.
Wadani.com