Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Miisaaniyadda Dowladda Somalia oo buuxisay shuruudihii Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF [Akhriso Warbixin]

    Miisaaniyadda Dowladda Somalia oo buuxisay shuruudihii Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF [Akhriso Warbixin]

    December 16, 20173 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Miisaaniyaddii ay toddobaadkan ansixiyeen Baarlamanka Soomaaliya waxa ay la jaanqaadeysaa is bedelka dhinaca lacagaha ah ee ay sameysay dowladda markii ay ku biirtay barnaamij ku deeqaha lacagaha oo caalami ah bishii Maajo, waxaa sidaas u sheegay Reuters masuul ka tirsan IMF-ta.

    Somalia waxa ay haatan ku jirtaa qiimeyntii labaad oo 12 bilood ah oo ay ku sameenayaan shaqaale u xil saran IMF-ta kaddib laban sano oo ay xasarado iyo dagaalo ku jirtay, buuxinta shuruucda lacagaha ee IMF-ta waxa ay u fureysaa albaabaddii ay ku heli lahayd deymo iyo in loo ogolaado maalgalin dhaqaale oo ay ka hesho haayaddaha dhaqaalaha caalamiga ah.

    Miisaaniyaddii $274 million ee la meelmariyey arbacaddii waxaa qeyb ka ah tallaabooyin la filayo in sare loogu qaado dhakhliga la soo uruuriyo $20-$25 million, Waxaa ku jira soo kordhinta iibka iyo canshuurta lacagaha shirkadaha isgaarsiinta iyo in meesha laga saaro canshuurtii aan laga qaadi jirin sharci dejiyeyaasha, sidaas waxaa yiri Mohammed Elhage oo hogaaminaya shaqada IMF-ta Somalia.

    “Kuwani waa calaamado aad muhiim u ah.” Waxa uu sheegay intii ay socotay booqashadii bishii September, in IMF-tu ay ka niyad jabsaneyd horumarka ay sameysay dowladda, taas oo xafiiska la wareegtay doorashadii Febraayo kaddib, Laga soo bilaabo September ilaa iyo hadda, waxaan aragnaa ka’gonaansho is bedel oo xooggan, masuuliyiinta waxa ay si dhaw uga shaqeenayaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Miisaaniyadda waxa ay muujineysaa in dowladdu qabatay ku dhawaad $156 million oo ah dhakhliga gudaha iyo $118 million oo deeqo ah, Dalka ka dhisan geeska Africa waxa uu ka soo kabanayaa labaataneeyo sano oo colaad ah iyada oo maleyshiyada Al Shabab wali yihiin Qatar.

    Miisaaniyadda cusub wali waxaa aad ugu badan deeqaha, kuwaas oo sanadkii hore ku qarash gareeyey ku dhawaad $1.5 billion deeqaha raashinka, caafimaadka iyo nadaafadda, Kor joogeyaasha waxa ay tilmaamayaan miisaaniyadda cusub iyo meelmarinta Baarlamaanka in ay tahay tallaabo hore loo qaaday.

    “Haddii ay IMF-ta ku qanacdo, taasi waxa ay muujineysaa in dowladdu ay bilowday soo uruurinta dhakhliga,” waxaa sidaas yiri dimlomaasi reer galbeed ah.

    “Haddii ay helaan deymo, taasi waxa ay caddeyneysaa in dahab ka dambeeyo qaanso-roobadka.”

    Deymo ay ka hesho IMF-ta waxa ay dowladda dhexe siin doontaa fursad ay ku saameyso dowlad gobolleedyadyada xubnaha ka ah, ayuu intaa raaciyey dimlomaasiga.

    Dowlad gobolleedydu waxa ay xukumadda Muqdisho ku khilaafsan yihiin qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay xasaradda u dhexeysa Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

    Deymaha dibadda Soomaaliya looga leeyahay waxa ay gaareysa 5.2 billion sida ay sheegtay IMF-ta. Iskama aysa gudin tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka dilaacay muddo 25 sano hadda laga joogo, IMF-tu waxa ay sheegtay toddobaadkan koboca dhaqaalaha waxa uu gaari doonaa 2.5 boqolkiiba sanadka 2018 isaga oo ka soo booday 1.8 oo uu ahaa sanadkan, markaas oo ay abaraha iyo amaan daradda ka hoos marisay sadaashadii IMF-ta oo ahayd 2.5 boqolkiiba.

    IMF Kheyre Miisaaniyadda Miisaaniyadda 2018 Top Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Somaliland oo xiray Fannaanka Nimcaan Hilaac Aabihii & Bannaanbaxyo ka dhacay Boorame
    Next Article Weriye Maxamed Aweys Muudey oo maanta imaanaya Muqdisho iyo soo dhoweyn loo diyaariyey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo