Iyadoo xaaladda magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya ay weli ka jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni ayaa ciidamada federaalka Itoobiya ee magaalada gacanta ku haya ay xayiraad gaara ku soo rogeen Soomaalida ku nool magaaladaasi.
Ciidammada milatariga Itoobiya dadka shacabka, gaar ahaan Soomaalida u diiday inay ka baxaan magaalada, sida ay sheegeen dad deegaanka ku sugan oo ehelkooda laga soo celiyay duleedka magaalada, waxayna arrintan keentay su’aalo ku saabsan in magaalada ay bandow u gaara Soomaalida la saaray.
Wararka ayaa sheegaya in dadka loo ogol yahay inay magaalada Jigjiga ka baxaan ay yihiin dadka aan Soomaalida ahayn ee u shaqo taga magaalada, iyadoo ay furan yihiin goobaha ganacsiga intooda badan, ayaa dadka magaalada loogu baaqay inay nafiidiyaan magaaladu oo waddooyinka qalalaase badan ka dhacay.
Maamulka cusub ayaan weli awood lahayn, iyadoo madaxweyinihii hore ee xilka ka degay la sheegay inuu xabsi guri ku jiro magaalada Addis ababa, waxaana jira xaalad hubanti la’aan ah iyo shaki hareeyay dadka Soomaalida Itoobiya.