Kulan is dhaaris ahaa oo si balaaran ay uga soo qeyb galeen labada beelood Dhulbahante iyo Isaaq oo ay kasoo kala jeedaan Allaha u naxariistee marxuumad Saado Cali Warsame iyo Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Group Maxamed Saciid Ducaale ayaa ka dhacay Magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool.
Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil waxaa dhaarta la maray odayaal ay isku beel yihiin, waxaana dhaartaasi qaatay oo ku qanciyay beesha Saado Cali Warsame. Rashiid Cali Warsame ayaa goobta ka sheegay in cuqdadii ku jirtay ay ka baxday, ayna ku qanceen.

Saxaafadda shirka ka qeyb gashay ayaa loo diiday inay wax sawir ah ka qaadaan milkiilaha Dahabshiil shaqsi ahaan iyo xiligii uu dhaarta marayay midna, taasoo ahayd dalab isaga ka yimid oo uu diiday in sawirkiisa la adeegsado.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO
Wadani.com