Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarka kooxda Alshabaab ku qaaday saaka aroortii hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarka oo ay ka dambeysay kooxda Alshabaab iska soo daba dhacaya qasaaraha weerarkaasi iyo dad caana oo lagu dilay.
Ciidamada GAASHAAN ee nabadsugidda ayaa la sheegay inay hadda isku dayayaan inay soo afjaraan dagaalka ay gudaha hotelka ka wadaan qof ama laba dabley ah kadib markii la dilay intii badbeyd dableyda weerarka soo qaaday.
Dhinaca kale Gen. Cali Caraaye (Gacmadule) ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray iyadoo dad kale oo caana ay dhinteen, war hadda la helay ayaa sheegaya in milkiilihii hotelka Saxafi Ganacsade C/rashiidi Shire Ilqeyte lagu dilay weerarkii saaka lagu qaaday Hotelkiisa Saxafi.
Warar kale ayaa sheegaya in taliyihii hore ciidamada Soomaaliya Jenereaal C/kariin Yuusuf Dhega-badan oo ku dhintay weerarka.
WARARKA oo iska soo daba dhacaya ayaa ku soo waramaya in dad muhiim ah ay dhimasho iyo dhawac noqdeen, dadka dhaawaca ah waxaa ka mida Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo hotelka ku sugnaa..
Faahfaahin kale la soco Wadani.com
Wadani.com