Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Misaanka Afar iyo Bar (W/Q: Yusuf Garad)

    Misaanka Afar iyo Bar (W/Q: Yusuf Garad)

    December 24, 20155 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhaliisha 4.5

    Si kooban 4.5 waa nidaam qabiil, waa hayb, waa simid dad aan isla tiro ekeyn. Waa wax isugu darid dad aan isku degaan iyo fikir toona ahayn. Waa in aqoonyahanka iyo waxgaradku ay u martiyaan hoggaamiyayaal qabiil iyo inta biilkooda bixisa. Waa kala qeybinta ummadda. Waana dulmi in iyada oo aan la is tirin dadka qaarna loo qoondeeyo xubin buuxda qaarna la siiyo bar.

    Colaadda iyo dib-u-dhaca waxa keenay waxaa ka mid ah qabyaalad oo qabiilku sal u yahay. Nidaamka 4.5 ee qabiil wax ku qeybsiguna wuxuu dadka markinayaa in ay qabiil ka fekeraan, ku fekeraan, una fekeraan. Sidoo kale wuxuu barayaa in ay qabiil ka hadlaan, ku hadlaan, una hadlaan.

    Waxaas marka la isu geeyo waxay qofka si sahlan cagaha ugu gelinayaan qabyaalad oo ah hooyada amni darrada iyo dib u dhaca isla markaasna ku shaqeysa dhaqan lid ku ah sharci iyo kala dambeyn.

    Waa nidaam ku dhisan hayb qabiil kaas oo bulshada ku hagi kara, weliba si socod boob ah, dhabbe aan u socon jihada Qarannimada iyo Dowladnimada ay naga jiraan.

    Waa nidaam suurta geliyay in qof aan la soo dooran, cid uu wakiil ka yahayna aanay jirin uu siyaasadda xishood la’aan dhex iyo hor boodo una dhaqmo sidii in dalku uu ku socon karo tijaabo iyo ra’yi keliya. Taasi waa kuwa is leh dalku hore ha u socdo. Laakiin 4.5 siyaasiyiinta uu soo saaray waxaa ka mid ah qaar aan ogeyn in la rabo in dalku hore u tallaabsado ama aan dan ka lahayn.

    Waa nidaamka keenay in hoggaamiyayaasha dhaqanka oo ahaa astaan u taagan sharaf iyo xushmad dhaqan ay heybaddoodu dhaawacanto ka dib markii siyaasiyiin kursi doon ah iyo gacansato gurracan ay laaluush ku fidneeyeen oo ku hafiyeen, markaasna ay ku kallifeen eex iyo been. Hoggaamiyayaasha dhaqanka qaarkood maanyta wey og yihiin in la og yahay waxa ay faleen.

    Nidaamkan 4.5 oo la filayay in uu ku ekaado kuraasta siyaasadda, waxaad arkeysaa in shaqaalaha dowladda iyo waliba shaqooyinka xirfadlayaasha aad mooddo in la soo dhex gelinayo. Taas oo dhaawac weyn u geysaneysa in ay howli u qabsoonto si ku dhisan xirfad iyo farsamo.

    Waa nidaam musuqmaasuq, dulmi iyo duudsi u saaxiib ah.

    Waxa uu soo kordhiyay 4.5

    Markii ay burburtay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya horraantii 1991, intii ka dambeysay waxaa Soomaalida loo qabtay shirar fara badan oo la isku dayay in Dowlad lagu dhiso. Waxaa la isugu yimid Djibouti 1 iyo 2, Addis Ababa oo dhowr jeer ah, waxaa la tegey Qaahira iyo magaalooyin kale. Waxaa la qabtay ama la isku dayay shirar Muqdisho iyo Boosaaso. Shirarkaas qaar ma qabsoomin, inta kalena weyb soo saari kari waayeen Dowlad Soomaaliyeed.

    Inkasta oo wakhtigu uu qeyb ka qaatay, haddana nidaamka keliya ee suurta geliyay Baarlamaan Soomaaliyeed oo dhaliil ha jirto laakiin la aqbalay, waa nidaamka 4.5 ee hadda aan haysanno.

    Wuxuu suurta geliyay in Baarlamaan uu ku dhismo Carta, Djibouti sannadkii 2000.

    Ma ahan keliya in uu dhismo ee nidaamka 4.5 wuxuu suurta geliyay in Baarlamaankeennu uu qaangaaro oo 15 jirsado iyada oo aan wax hakad ama kala go’ ahi soo dhex gelin Dowladnimada.

    Waa nidaam ku dhisan in afarta qabiil ee waaweyn ee uu Soomaali u qeybanayo, oo ah kuwii xilliyo iyo sababo kala duwan hubka u qaatay, ay aqbaleen in aanay jirin cid adkaatay oo u yeerin karta inta kale, oo ay tahay in si siman ay wax u qeybsadaan. Nidaamkani waxaa kale oo uu suurta geliyay in qabaa’ilka aan hubka qaadan ay wakiillo ku lahaadaan labada Gole ee Sharci-dejinta iyo Fulinta. Inkasta oo kuraasta qabaa’ilkani ay nus tahay, haddana nidaamku wuxuu xaqiijinayaa in aan iyaga laga tegi karin.

    4.5 wuxuu xaqiijiyay in xildhibaannada Baarlamaanka isku si loo soo xulo oo aan midna mid kale u sheegan karin awood sharciyeed uu dheer yahay.

    Nidaamkani wuxuu isku hayaa midnimada Soomaaliyeed. Waxaan ula jeeda in Somaliland, dhulka uu Shabaab haysto, Gobol aan Dowladdu gaarin iyo magaalo kasta oo Soomaaliya ka mid ah in mid kasta ay Baarlamaanka fadhiyaan dad ka soo jeeda degaankaas. Taas oo marka aan hoos loo sii fiirin aad mooddo in Baarlamaanku si dhab ah u metelo Gobollada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan.

    Wuxuu sahlayaa in la illaawo xad gudubyadii dagaalkii sokeeye la isu geystay maaddaama isku cod la yahay.

    Nidaamka 4.5 ma ahan mid loogu talo galay in uu dalkaan nidaam u ahaado weligii. Wuxuu ahaa nidaam ku-meel-gaar ah oo loogu talo galay in marxlad markaas taagnayd oo ahayd dagaal sokeeye iyo Dowlad la’aan looga gudbo. Waa lagu soo caano-maalay in ka badan 15 sano.

    Waxay ahayd 4.5 in looga gudbo qof iyo cod oo ah hannaan Dimuqraaddiyadeed. Taas waa la suurta gelin waayay. Hababka la soo jeediyay in loo gudbo ayaa waxaa ka mid ah in Degmooyinka dalka, iyaga oo aan dadkooda la tirin la siiyo kuraas Baarlamaan oo isla tira eg oo sidaas lagu soo xulo Xildhibaannada. Nidaamkaas la soo jeediyay muxuu soo kordhin karaa muxuuse dhimi karaa? Waa su’aasha aan uga jawaabi doono qormadeyda tan xigta haddii Rabbi idmo.

    W/Q: Yusuuf Garaad

    http://yusuf-garaad.blogspot.com/2015/12/misaanka-afar-iyo-bar.html?spref=fb

    4.5 Yusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDHAGEYSO Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne: “Taliyaha Booliska G/banaadir ayaa jirdil igula kacay….”
    Next Article DAAWO Farxiya Kabayare: “Hodon C/raxmaan & Rasta aniga ayay i xumeeyeen markii ay Xamar tageen…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo