Orodyahanka reer caalami ee dalka Ingiriiska, kana soo jeeda Soomaaliya Mo Farah ayaa kaalinta saddexaad ka galay orodka Maaratoonka caanka ah ee London oo goor dhoweyd lasoo gabagabeeyay.
Mo Farah oo u ordayay UK ayaa galay kaalinta saddexaad, wuxuuna rikood u dhigay orodyahannada dalka Ingiriiska. Mo Farah ayaa orodka ku dhammeeyay Laba saacadood, lix daqiiqo iyo 21 seken>
Farah wuxuu laba daqiiqo & shan seken ka danbeeyay orodyahanka reer Kenya ee ku guuleysay tartanka markii saddexaad Eliud Kipchoge. Wuxuu sidaasi ku jebiyay rikoor uu dhigay orodyahankii Ingiriiska Steve Jones oo 33 sano yaallay.
Sheeko qabsatay intii uu orodka socday ayaa ahayd inay Mo Farah ka luntay dhalo ay biyo ugu jireen oo uu cabi lahaa, markii uu saraakiisha orodka haygeysay weydiistayna ay siin waayeen, taasoo ku keentay inuu caroodo.