Mooshin cusub aya maanta loo gudbiyay Guddoomka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mooshinkan waxaa diyaariyay Guddiga Difaaca Baarlamaanka, waxaana looga horjeedaa Qaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka iyo qorshah ay Madasha Qaran dhowaan ku heshiiyay.
Qorshahan ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay la tagto shirka arrimaha Soomaliya ee ka furmi doona London si taageero dhaqaale loogu helo. Mooshinka lagu sheegay in qorshaha uu kasoo horjeedo Dastuurka Federaalka.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mida xildhibaanada diyaariyay mooshinka ayaa sheegay in qaabka dhismaha Ciidamada Qaranka aan laga dhigi karin mid maamul goboleed.
DHAGEYSO