Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/Kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa ka hadlay wararka ku saabsan in Mooshin laga keenay xukuumadda Xasan Cali Kheyre.
Isagoo ka hadlayay Guddiga loo magacaabay arrinta C/kariin Qalbi dhagax ayaa sheegay in ay jiraan warar fara badan oo baraha bulshada lagu faafiyay kuwaasoo ku saabsan inuu jiro Mooshin ka dhan ah xukuumaddam isagoo sheegay inuusan jirin Mooshinka la sheegay oo haba yaraatee aanu soo gaarin Golaha Shacabka.
Xoghyaha ayaa sheegay in khalad weyn laga fahamsiiyay dadka Soomaaliyeed Mooshin, kadin markii ay soo baxday C/Kariim Muuse Qalbi Dhagax. Wuxuuna ku celiyay inuusan jirin wax mooshin ah oo kaliya Guddiga joogtada ee Baarlamaanka ay u fariisteen arrinta sarkaalka, loona saaray Guddi ka baaraan degta, kabacdina ku soo war celiyaan Golaha Shacabka.
DHAGEYSO