Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshino iyo u yeeris xukuumad ka keenay laba arrimood oo muddooyinkii ugu danbeebay kasoo cusboonaaday dalka oo xukuumadda Soomaaliya ay ka gaabisay inay wax tallaabo muuqato ah ka qaado.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo maanta shir guddoomiyay shirka guddiga joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa shaaciyay inay jiraan mooshino hor loo keenay guddoonka baarlamaanka oo ku saabsan:
1. Dagaalada ka socda xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan Gobolka Galgaduud.
2. Derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya
Labadan mooshin oo ay ku jiraan u yeeris mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ee shaqada ku leh sida wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa la filayaa in loo qeybiyo xildhibaanada Baarlamaanka oo la shaaciyay inay maalinta Sabtida ah fadhi ku yeelan doonaan xaruntooda.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli ku guuleysan la’ inuu cod u qaado mooshinka laga keenay Baarlamaanka Jubba, iyadoo xildhibaanno badan ay dalka ka maqan yihiin qaar kalena si qorsheysan uga baaqsadaan inay kulamada Baarlamaanka ka xaadiraan, laakiin tallaabada xildhibaanada ayaa u muuqda mid ay dareenkooda ku muujinayaan kadib waxqabad la’aanta dowladda ee ku aadan labada arrimood ee xilligan taagan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]