Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Mooto uu leeyahay Sarkaal oo dhalisay dilka 2 Askari iyo tuhun dhex galay madaxda degmada Wadajir

    Mooto uu leeyahay Sarkaal oo dhalisay dilka 2 Askari iyo tuhun dhex galay madaxda degmada Wadajir

    November 10, 2021Updated:November 10, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga bixiyey shaqaaqo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku lug yeeshay Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda degmada Wadajir, isla markaana dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

    Afhayeenka ciidamada Booliska iyo Maamulka degmada Wadajir ayaa si kala gaara uga hadlay wixii dhacay iyo iska hor imaadka ciidamda Booliska iyo Milatariga Turksom, waxayna beeniyeen eedeynta ka timid Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka degmada Wadajir Ciise Shiraawe Cabdi.

    Ciise Sharraawe ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerar qorsheysan lagu qaaday xilli uu ku wajahnaa Xarunta Maamulka degmada, wuixuuna ku eedeeyay maamulka degmada Wadajir inay doonayeen in la khaarijiyo.

    iska hor imaadka ayaa ka dhashay, kadib markii ciidamada Booliska ee Wadajir ka howlgala ay qabteen Mooto taargo la’aan ahayd, taasoo uu lahaa askari ka tirsan Milateriga lagu tababaray Turksom, waxaana uu la soo hadlay ciidamada Booliska isgoo dalbaday inay sii daayaan Mootadiisa, balse waxaa ka diiday ciidamada.

    Xiddigle Xasan Daandurey oo ciidamo wata ayaa weerar u tegay goobta lagu heystay Mootadiisa, isagoo watay afar askari, wuxuuna dagaal la galay Booliska, isagoo dilay askari, kana furtay mootadii, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamka Booliska Soomaaliyeed C/fataax Aadan Xasan.

    Guddoomiye ku xigeenka siyaasadda degmada Wadajir ayaa ku soo dhex dhacay xaaladaasi, waxaana ilaaladiisa iyo ciidamadii uu watay Xiddigle Xasan Daandurey dhex maray is rasaaseyn lagu dilay askari, mid kalena lagu dhaawacay. Sarkaal Daandurey ayaa la sheegay in la raadinayo, kiiskana waxaa loo xiray 3 qof.

    “Gudoomiye ku xigeenka Siyaasadda Wadajir waxaa uu si lama filaan ah uu kusoo galay shaqaaqo u dhaxeysay Militariga iyo Booliska, markii ay rasaastu la hubiyey ayuu durba iska difaacay asna” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

    Qasaaraha iska hor imaadyada ayaa ah askari ka tirsan Ciidanka Booliska & iyo askari ka tirsan Millateriga oo ku geeriyooday iyo laba qof ooku dhaawacmay.

    Guddoomiyaha degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali iyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga Xersi Cabdulle Nuur ayaa iska fogeeyay eedeynta uga timid mid ka mida guddoomiye ku xigeennada degmada, waxayna dalbadeen oin baaritaan lagu sameeyo dhacdada.

    Booliska Degmada Wadajir Iska hor imaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Sidee Farmaajo kula wareegay Kursigii Jufada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee Aqalka Sare?
    Next Article Musharixiinta oo Wafdiga Midowga Afrika gaarsiiyey in Go’aanka AMISOM lala sugo Dowladda cusub

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo