Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ka horjeeda hanaanka doorasho qof iyo cod ee ay wado dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga so xigtay shuruudaha ay ku aqbali karaan doorashada.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaaciyay in loo baahan yahay in la helo dastuur, sharci iyo xeer la isku raacsan yahay oo doorashada marjic u ah iyo in maamulka doorashada ay gacanta ku hayaan hawlwadeen madaxbannaan oo dhexdhexaad ah.
Wuxuu kaloo ku dooday baahida jiritaanka garsoor madaxbannaan oo qaadi kara garta khilaafka doorashada, iyadoo agabka iyo qalabka la adeegsanayo uu noqonayo mid aan la iska maamulan karin.
Si taa loo xaqiijiyana waa in la helo dastuur, sharci iyo xeer la isku raacsan yahay oo doorashada marjic u ah; in maamulka doorashada ay gacanta ku hayaan hawlwadeen madaxbannaan oo dhexdhexaad ah iyo in uu jiraa garsoor madaxbannaan oo qaadi kara garta khilaafka doorashada.