Dadka Muqdisho ayaa maanta arkay mucjiso rabbaani ah kadib roob xoog leh oo ka socday caasimadda.
Xaafada Xalane Degmada Wadajir ayaa waxaa Wado Dhexdeeda lagu arkay Magaca Allah oo ku Qoran wadada dhexdeeda. Dadka oo isku dayay inay magacaas qariyaan ayaa awoodi waayay.
Dadweyne Badan ayaa isugu soo xoomay goobta lagu arkay Mucjisadaan ayaa la yaabay magaca weyn ee Alle oo roobka ku dhex sameysay, isla markaana aan la baabi’in karin.
Mucjisadan ayaa soo jiidatay dada badan, waxaana culimo goobta tagtay ay dadka u sheegtay inay tahay Mucjiso, halka markii dambe ay iskeed u qarsoontay mucjisadii.
Arrintan ayaa ka danbeysay roobabkii Deyrta oo ka curtay Muqdisho iyo gobollada ku xeeran kadib Salaad Roobdoon ah oo Muqdisho laga tukaday.