Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa maanta kaga dhammaanaya waqtigii uu heystay inuu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland ee madaxweynaha dib loogu loogu doortay bartamihii August ee sanadkan.

Axmed Madoobe ayaa hore u heystay inuu muddo 21 maalmood ah ku dhiso gole wasiiro sida uu qorayo Dastuurka Jubba qodobkiisa 72 aad, farqadiisa 3aad in marka la doorto Madaxweynaha uu golaha Wasiirada ku soo dhiso muddo dhan 21 maalmood ah. Waxay mudadaasi Axmed Madoobe uga ekayd 5-tii September, markaaso laba maalin ma hor loogu daray bil kale sida Baarlamaanka Jubba ansixiyay
Xilliga muddo kordhinta magacaabidda golaha wasiirada Baarlamaanka Jubba ay muddo bil kale ah ugu dareen markii uu codsaday Axmed Madoobe, iyadoo waqtiga loogu darayn uu ku eg yahay maanta 5-ta bisha Oktoobar.
Lama oga in Axmed Madooba muddo kale u baahan doono in waqtiga loo kordhiyo, waxaase wararka laga helayo magaalada Kismaayo ay sheegayaan in inta badan golaha wasiirada la qoray, balse ay jiraan muran beeleed ku saabsan awood qeybsiga oon weli la xalin.
Wadani.com