Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, July 12
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xukuumadda»Hiigsiga cusub»Mudulood oo mowqif adag ka istaagay Mustaqbalka Gobolka Banaadir ee 2016

    Mudulood oo mowqif adag ka istaagay Mustaqbalka Gobolka Banaadir ee 2016

    October 5, 2015Updated:October 6, 20157 Mins Read Hiigsiga cusub
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mudulood oo mowqif adag ka istaagay Mustaqbalka Gobolka Banaadir ee 2016

    Mogadishu, 05 October 2015

    Anaga oo mataleyna Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ka kooban; Hawenka, Dhalinyarada, Ardayda, Ganacsatada, ururada arimaha bulshada iyo hogaamiyaasha dhaqanka iyo waliba culuma’udiinka waxan soo dhaweneyna geedi-socodka iyo horumarka ay Dowlada ka gaartay dib u soo-noleynta hanaanka dowladnino iyo dhameynta colaadaha sokeeye ee dhiiga badan ku daatay iyo caddaalad xumadi soo socotay dhowr iyo labaatanki sano ee la soo dhaafay.

    Inkasto geedi-socodkan uu la soo kulmay walina ay horyaalaan caqabado fara badan, waxaan u aragnaa mid horey u socda oo waliba joogto ah. Waxan aaminsanahay in aan ku hadleyno codka dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan haddii aan dhahno hadafkeena ugu weyn waa in la helaa nabad iyo xasilooni WAARTA iyo waliba dimoqaraadiyad wanaagsan. Waxaana ku hanweynahay in midda ugu danbeysa oo ah dimoqaraadiyada ay ka dhacdo Soomaaliya gudaheeda ka dib in ku dhow rubuc qarni.

    Waxaan kawada dharagsanahay muhiimada ay leedaay in la dedejiyo lana soo af-jaro xaalada siyaasadeed ee uu xiligan wadanka ku suganyahay laguna soo gunaanado doorashooyin xor ah iyado laga foganayo wax kasta oo sababi kara xaalad kacsan iyo degenasho la’aan. Sidaa daraadeed, waxaan rabnaa in aan halkan ku qeexno welwelka weyn ee aan ka qabno arimaha hoos ku xusan:

    Geedi socodka arimaha Federaalka oo la marin habaabiyay

    Sida ay hadda wax u socdan, waxaa cad qorshaha kala hormarinta howlaha u yaala in la gaaro Dowlad Federaal ah in ay go’aankeeda qeyb weyn ay leedahay beesha caalamka. Habka loo dhaqan gelinayo Federaalka oo lagu deg-degay waana mid aan hoos laga soo bilaabin oo kor laga wado oo ay hindisaheeda leeyihiin shisheeye mana aha mid haysta taageerada inta badan bulshada Soomaaliyeed. Midda kale, sida ay hadda wax u socdaan waxaan is leenahay waxaa taageersan oo kaliya inyar oo leh dano gaar ah (mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale).

    Geedi socodka dhisida hanaan Dowladeed oo ku saleysan habka Federaalka waa in uu ka soo bilowdaa hoos lagana qeyb geliyaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida bulshada deegaanada loo sameynayo nidaamka iyo ururada ka shaqeya arimaha bulshada. Sidaa daraadeed, waa in ay beesha caalamku taageertaa hab ku saleysan wada jir, wada hadal iyo dib u heshisiin. Taa caksigeeda, ma ahan in geedi socodka dhisitaanka nidaamka Federaaliga u noqdo mid kor laga keenay, mana ahan in lagu deg dego dhaqan gelintiisa iyadoo la adeegsanayo quwado shisheeye.

    Doorasho xor iyo xalaal ah

    Dadaalada la wado waa in ay ku jiheesnaadaan in degaanada Soomaaliyeed lagu qabto doorashooyin xor ah iyadoo la siinaayo deegaan kastahi cadadka kuraasta Barlamaanka ee uu xaqa u leeyahay. Balse, inta aan taas la gaarin waa in la helaa tirokoob leysku raacsanyahay ee ku aadan tirada dadka ku nool deegaanada ay doorash adu ka dheceyso si loo xaqiijiyo tirada kaga soo aadeyso fadhiyada Baarlamanka. Waana sida kor ku xusan si xalaal ah oona fudud in lagu gaaro nidaam Federaal ah oo shaqeyn kara intii la abuuri lahaa dhibaatooyin iyo isku dhacyo hor leh oo wiiqa dadaalka dib loogu soo celinaayo Dowladnimadii Soomaaliyeed.

    Aayaha Gobolka Banaadir,

    Si loogu qeexo qaab dhismeedka Federaalka dhexsdiisa aayaha Gobolka Banaadir, waa in Dowladda Federaalka ay ka gudubtaa balan qaadyada iyo ku cel celinta maran ayna aqoonsataa in bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo magaaladda Mogadishu ay leeyihiin xuquuqo cad cad oo ay ugu weyntahay in ay aayahooda go’aansan karaan. Waa in ay xukuumada ajiibtaa baaqyada ku aadan in Banaadir ay ka mid noqoto gobolada loo sameynayo maamul ku saleysan nidaamka Federaaliga ah, waana in aan leyska dhego tirin baaqyadan oo la hirgeliyaa sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo laga tusaale qaadanaayo geedi socodka hadda ka socdo Soomaaliya oo dhan kaasoo lagu unkayo maamulo Federaali ah.

    Tani waxey suurto gelineysaa in la ilaaliyo taariikhda iyo siyaasada soo jireenka ah ee ay Gobolka Banaadir leedahay. Waxaana ka soo horjeesaneynaa isku day kasto oo ka hor imaanaya ama xadidaya ama xakhiraya xuquuqda deegaaneed, siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee uu leeyahay Gobolka Banaadir. Isku dayidda hadda socdo ee aan ka soo horjeedno waxaa ka mid ah, in gobolka Banaadir gebi-ahaantiisa laga dhigo loona tix geliyo caasimad ahaan hoos imaanaya Dowlada dhexe ee Federaalka. Waxaan aaminsannahay haddii la qaato nidaamkan in la dhaqan gelinaayo siyaasad qaawan oo qabyaalad salka ku haysa iyo in la isku dayaayo in la daboolo xuquuqda dad iyo deegaaneed midda siyaasadeed iyo muhiimada dhaqaale Gobolka Banaadir u leeyahay dadka dagan.

    Dowlad goboleedyada ku saleysan nidaamka Federaaliga ah

    Ugudanbeyn, waxan halkan ka muujineynaa welwelka aan ka qabno dhisida dhawaan la damacsanyahay in lagu dhiso maamul goboleed laysku daraayo Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan. Sababta oo ah, habkan ma ahan mid dadka u cad iyadoo dadka badankii ay ku kala ra’yi duwan yihiin. Sidaa daraadeed, waxaan u soo jeedineynaa Dowlada iyo beesha caalamkaba aaney ku deg degin oo aaney kala qeybin deegaanada Soomaaliyeed iyagoo eegaya oo kaliya wixii ula muuqda in ay israaci karaan Qariidad ahaan ama ay u arkaan in ay macquul tahay marka ay kor taagan yihiin miiska naqshadeynta iyagoo aan tixgelineynin xiriirka taarikheed iyo midda siyaasad-dhaqaale ee ka dhexeya deegaanada dalka.

    Nabadgelyada

    Xaaalada amaan ee ka jirta Soomaaliya waa mid laciif ah walina waxaa jira xaalado amni daro meelaha qaar gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho. Sidoo kale, meelaha dhawaan Dowlada gacanteeda soo galay dadka ku dhaqan waxey la kulmaan cabsi iyo khatar xagga amaanka ah. Waxaan ka codsaneynaa hay’adaha amaanka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay sugaan nabadgelyada dadka suurtogeliyaana in dadka ku dhaqan degaanadan ay qeyb ka qaataan sugida iyo jiritaanka nabadgelyada. Tani macnaheedu waa in ay hay’adaha nabadgelyada ku shaqada leh ay ku dadaalaan sidii ay wada shaqeyn u dhex mari laheyd Dowlada iyo dadka Soomaaliyeed iyagoo xaqiiijinaya in ay la xisaabtamaan cid kastaa oo khal-khal gelineysa amaanka si loo soo celiyo kalsoonidi ay shacabka ku qabeen xukuumadooda.

    Waxaan kaloo rabnaa in aan fursadan uga faa’iideysano in aan si weyn u dhaleeceyno dhammaan kuwa ka tirsan xoogaga amaanka iyo ciidamada AMISOM ee u geysanaya kufsiga iyo xad gudubyada haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed. Arrimahan waa kuwo aan loo dulqaadan Karin. Waxaana ugu baaqeynaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo waliba beesha caalamka in ay mudnaan gaar ah siiyaan arinkan ayna qaataan talaabooyinka ku haboon sidii loo joojin lahaa falalkan foosha xun.

    Gabagabada iyo gunaanadka

    Baaqenan waa mid fudud oo ka kooba: 1) in la xaqijiyo geedi-socodka lagu hirgelinayo nidaamka Federaalka uu ku saleysanaado xaqiiqda dhabta ah iyo in uu ahaadaa mid ay qeyb weyn ku yeeshaan dadka Soomaaliyeed uusanna noqon mid kor laga keenay, 2) in la gaaro doorasho xur ah iyadoo la sameynayo tiro koob rasmi ah si loo xaqiijiyo awood qeybsi xalaal ah, 3) in si cad loo kala saaro Villa Soomaaliya (oo loo tixgelinayo xarun ay maamusho Dowlada Federaalka) iyo gobolka Benaadir intiisa kale si loo xaqiijiyo in dadka degen gobolkan ay helaan xuquuq la mid ah kuwa ay helayaan dadyowga kale ayna u helaan qeybta kaga aadan geedi-socodka dhisida nidaamka federaaliga ah, 4) Dowlad goboleedyada la unkaayo waa in ay ku saleysnaadaan taariikhda soo jireenka ah ee ka dhexeysa dastuurkana uu aas-aas u ahaadaa, 5) waa in la xoojiyaa xaalada amaan iyadoo la kaashanaayo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

    Dhammaan intaan kor kusoo xusnay waa in lagu gaaraa wada tashi iyo is-xaq dhowr iyo waliba kalsooni shacab. Nidaamka Federaalka waa in loo unkaa hab keeni kara nabadgalyo iyo xasilooni waarta si loo xaqiijiyo loona soo celiyo rajooyinka, riyooyinka iyo hamiga dhammaan dadka Soomaaliyeed.

    Waxaa qoray Wakiilka Ugaaska

    Ismaaciil Abdulla Abuukar

    [email protected].

    Mustaqbalka Gobolka Banaadir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Jubba oo weerar ku ah Goobweyn & digniin ka soo baxday ciidamada taabacsan Barre Hiiraale
    Next Article Faahfaahin laga bixiyay howgal lagu soo qabtay dhalinyaro lagu tuhmay Alshabaab duleedka Muqdisho

    Related Posts

    DAAWO: Sheekh Shariif oo dhaqdhaqaaq bilaabay dalka Sacuudiga

    April 19, 2016

    Faarax Sh. C/qaadir oo bilaabay ololaha Doorashada Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh

    April 15, 2016

    Qoddobo lagu heshiiyay shirka Madasha Qaran ee Madaxda Soomaalida [AKHRISO]

    April 10, 2016

    WAR-MURTIYEED & SAWIRRO: Shirkii Caalamiga ahaa ee Istanbuul oo lagu soo gabagabeeyay

    February 24, 2016

    Shirkii Istanbuul oo la soo xiray laguna taageeray go’aankii dowladda Federaalka ee qaabka doorashada 2016

    February 24, 2016

    XOG: Maxaa kasoo baxay shirarkii Garowe ee Wakiilada Beesha Caalamka & Puntland..?

    February 11, 2016

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo